Baabuur koronto ku shaqeeya oo lasoo saarayo

James Dyson waa mulkiilaha shirkadda Dyson Lahaanshaha sawirka HEATHCLIFF O'MALLEY
Image caption James Dyson waa mulkiilaha shirkadda Dyson

Shirkad lagu magacaabo Dyson oo hadda soo saarta marwaxadaha ayaa shaacisay in ay qorsheynayso in ay soo saarto baabuur ku shaqeeya koronto iyo waliba batariga marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Sir James Dyson oo ah mulkiilaha shirkaddan ayaa sheegay in illaa 400 oo shaqaalaha shirkadda ay muddo labo sano ah ka shaqaynayaan mashruuc qarsoodi ah oo ay baabuurkan lagu samaynayo.

Waxa uu intaas ku daray in mashruuca ay ku kacayso $2 bilyan oo doolar.

Shirkadda fadhigeeda waa magaalada Malmesbury ee UK, balse mashruuca gaariga korontada wali looma xulin meeshii xarun u noqon lahayd.

"Maadaamaa uu aad u badantahay tartanka loogu jiro tijnoolajiyadda baabuurta, waa in aan samaynaa wax kasta oo suurtogal ah oo aan ku qarinayno xogta ku saabsan mashruuca" ayuu yiri Sir James.

Waxyaabaha aanan wali la ogayn waxaa ka mid ah inta gaari oo ay shirkadda soo saari doonto, xawaaraha uu gaariga gaari karo iyo waliba qiimaha halkii gaari lagu iibin doono.

Shirkadaha kale ee baabuurta sameeya sida Nissan, Tesla, Renault, BMW iyo Hyundai ayaa kal horeba soo saaray baabuurta korontada ama batariga ku shaqeeya, halka shirkadaha kale ee kala ah VW, Volvo, Mercedes, Honda iyo Jaguar Land Rover ay shaaciyeen in qorshahooda in ay samaynayaan baabuur batari ku shaqaysa.

Arrintan ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo qaaca wasaqda ah ee baabuurta ay ku siidaayaan hawada.

Baabuurta korontada ma ahan kuwa qiimo jaban, suuqana waa ay ku yaryihiin, balse shirkadaha samaynaya oo soo kordhaha darteed ayaa waxa ay ka dhigantahay in dad badan ay dalban doonaan baabuurtan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gabar Soomaali ah oo Mareykanka ku kaxeysa gaari xamuul ah