Muxuu sharciga ka leeyahay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee Galmudug?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu sharciga ka leeyahay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee Galmudug?

Xaaladda siyaasadeed ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sii cakirantay kaddib markii dhinacyada is-haya uu mid walba mowqifkiisa ku adkaystay.

Magaalada Cadaado ayaa gaaray xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Federaadlka ee Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay soo xal u helaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha maamul goboleedka GalMudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa goor sii horraysay beeniyay in baarlamaanka maamulkaas uu xilka ka qaaday.

Haddaba waxaannu la xiriirnay Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan, oo ah qareen madax bannaan oo deggan magaalada Muqdisho, khadka taleefanka ayuu ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay, waxa uu sharciga ka qabo xilkaqaadista madaxweynaha Galmudug?