Xisbiga talada haya ee Kenya oo doonaya in sharciga doorashada wax laga badalo

Aqalka Baarlamaanka Kenya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Aqalka Baarlamaanka Kenya

Xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee ayaa wada isbadal ay baarlamaanka ku samaynayaan shuruucda doorashada.

Isbadalkan ayaa wax ka mid ah in la xaddido awooda maxkamadda ugu sareysa dalka Kenya.

Xisbiga haya talada ee Jubilee ayaa doonayaan in warqadaha codeynta lagu tiriyo gacanta haddii qalabka casriga ah uu shaqayn waayo.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa sidoo kale go'aan ka gari doona in la dhisayo iyo in kale guddi lafa gurid ku sameeya hindisa sharciyeed ku saabsan kordhinta Miisaaniyada.

Mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta qoray in waaxda qaran ee sirdoonka ee loo soo gaabiyo NIS loo qoondeeyay 23 milyan oo doolar oo dheeraad ah ka hor doorashada madaxwaynanimada ee ku celiska ah.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in booliiska 33 milyan oo doolar oo dheeraad ah loo qoondeeyay.

Isbadal lagu sameeyo shuruucda doorashada ayaa wax ka soo horjeeda isbahaysiga mucaaradka Kenya ee NASA.

Guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC ayaa waxa ay sheegeen in dorashada madaxwaynanimada ee ku celiska ah la qaban doono 26 bisha October.

Balse waxa wali taagan muran ku saabsan guddiga doorashada oo ay mucaaradka ku baaqayaan in la kala diro.

Mucaardka NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa waxay sheegeen in aysan doorashada ka qayb gali doonin haddi aan gabi ahaan ba la badalin xubnaha guddiga.

1 bishan September ayay ahayd markii maxkamadda ugu sareysa dalka Kenya ay laashay dib u soo doorashadii madaxwayne Uhuru Kenyatta.