Soomaaliya maloo dalxiis tagi karaa?

Buuraha Calmadoow ee gobolka Sool Lahaanshaha sawirka Cali Ducaale
Image caption Buuraha Calmadoow ee gobolka Sanaag

Shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 27-da bisha sabtembar, 2017-ka waxaa magaalada Muqdisho laga xusay maalinta dalxiiska adduuunka, waxaana xuska ka qeybgalay mas'uuliyiin dowladda federaalka ka tirsan oo sheegay in la gaaray xiligii loo soo dalxiis tagi lahaa Soomaaliya.

Xuskan ayaa wuxuu ka dambeeyay ka dib markii Soomaaliya ay ku biirtay ururka dalxiiska Qaramada Midoobay ee UNWTO.

Haddaba qormadan waxa aan kaga hadlay fursadaha iyo caqabadaha jira.

Meelaha loo dalxiis tago Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka Cali Ducaale
Image caption Goobweyn waa halka ay isaga daraan wabiga Jubba iyo badweynta Hindiya waxayna ka mid tahay meelaha loo dalxiis tago

Wasaaradda dalxiiska Soomaaliya ayaa 7 goobood oo dalka ka mid ah si hordhac ah ugu astaysay in ay yihiin goobo loo dalxiis tago, waxaana ka mid ah xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo tan Liido ee Muqdisho.

Meelahan waa kuwa ugu mashquulka badan dalka, waxaana usoo dalxiis taga dadka gudaha dalka oo maalmaha fasaxa, gaar ahaan jimcaha u damaashaad taga.

Ka sokoow hoteelada laga furay xeebahan agtooda , waxaa jira adeegyo kale sida doomo dadka ay raacaan oo badda dhexdeeda geeya iyo waliba dad garaaca qalabka muusiga oo madadaaliya lamaanayaasha iyo waliba saaxiida soo nasiino tagay.

Cali Ducaale waa sawir qaade Soomaaliyeed oo tagay inta badan meelaha dalxiiska ku habboon ee Soomaaliya, kana qaaday sawirro aad loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta. Wuxuu BBC-da u sheegay in meelo quruxbadan oo dalxiis uu leeyahay dalka.

"Deegaanka Calmadoow oo ka tirsan gobolka Sool, waa meel aad u qaboow, waxaan tagay dhulka fog ee Bariga Puntland oo ay ku yaalaan goobo taariikhi ah, waxaan tagay Eyl oo ay ku taalo qalcaddii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaan tagay magaalooyinka waaweyn, iyo waliba deegaanka Goobweyn oo ku taala Kismaayo agteeda, ahna meesha ay wabiga Jubba iyo badweynta Hindiya isaga daraan".

Mar aan wax ka weeydiinay waxa ku kalifay in uu sawirro ka qaado goobahaasi ayuu yiri: "Ujeedkeyga wuxuu ahaa in aan jiilka cusub aan tuso bilicda dalka, balse maankii qofka bini'aadamka ahaa wuu daciifay, waxaana loo baahanyahay in dalka quruxdiisa lasoo bandhigo, qarniga 21aad ayaa lagu jiraa, waa in awooddeena nagu qarsoon aan soo bandhigo".

Image caption Xeebta Jasiira waxa ay ka mid tahay 7 gobood oo dowladda Soomaaliya u astaysay dalxiiska

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, oo aan wax ka weeydiinay waxyaabaha loo soo dalxiis tagi karo ee dalka ayuu yiri: "Wax badan ayaa laga arki karaa dalkan, meelo taariikhi ah ayuu leeyahay, taas waxaaba kasii muhiimsan dalkan waxaa ka dhacay dagaalo sokeeyo, saamayntii uu dagaalkaas reebay ayaaba dadka dalxiis ugu filan in ay arkaan".

Dalxiiska gudaha ayaa ah kan ugu baddan ee hadda xoogga la saarayo sida uu sheegay la taliyaha wasaaradda, Yaasir Cumar Baafo, oo BBC-da la hadlay isagoo ka qaybgalayay shirweynaha UNWTO ee bishan ka dhacay dalka Shiinaha

"waxaan rabnaa in aan xooggo saarno dalxiiska dalka gudihiisa ah, in qofka Jowhar jooga uu dalxiis ku tagi karo Gaalkacyo, waxaa intaas kusii dheer in Soomaalida dibada ku nool marka ay dalka yimaadaan ay fursad u helaan in ay tagaan meelahan dabiiciga ah".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay hay'adda dalxiiska adduunka

Caqabadaha iyo Fursadaha dalxiiska Soomaaliya

Image caption Doomahan oo yaala xeebta Liido ee Muqdisho waxa ay ka mid yihiin adeegyada ay heli karaan dadka dalxiisayaasha ah

Inkastoo dalka uu aad uga soo kabsanayo dagaaladii sokeeye, haddana waxaa la isku waafaqsanyahay in caqabado xagga amniga ay jiraan sida uu qirayo wasiir Cabdiraxmaan Yariisoow oo sheegay in ay ku dadaalayaan in amniga la sugo.

Caqabadda kale ee weyn ayaa ah in uusan wali jirin sharci dalxiis, inkastoo hadda laga shaqaynayo "Anaga waxaan rabnaa koow in aan diyaarino qorshihii iyo shuruucdii, Soomaaliya si ay u noqoto waddan dalxiisayaasha ay iman karaan, dhinacna amnigii baan ka hagaajinaynaa, dhinaca kalana waxaan isku dayaynaa in aan qurba-joogta Soomaaliyeed ku dhiirogalino in ay dalkooda usoo dalxiis tagaan" ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yariisoow.

17-kii bishii Agoosto , 2017-ka, koox dalxiisayaal ah oo gaaraya 27 qof, kana yimid dalka Shiinaha ayaa dalxiis ku tagay magaalada Muqdisho, waxayna ahaayeen dadkii ugu badnaa oo markaliya Soomaaliya u dalxiis taga. Balse looma sheegin warbaahinta, cabsi laga qabay xagga amniga awgiis, sida la sheegay.

Waxaa xogta iyo sawirada dalxiisayaashan saxaafadda loo soo bandhigay kadib markii ay dalka ka dhoofeen. Waxayna la kulmeen wasiirka dalxiiska Soomaaliya ka hor intaysan bixin.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku kala maqan daafaha caalamka, kuwaas oo u dalxiis taga dalal kale, hase yeeshee aanan kusoo dhiiran karin dalka, marka laga reebo tiro yar oo dano kale u yimaada dalka balse ka dib aada meelaha qaar ee dalxiiska.

Lahaanshaha sawirka Cali Ducaale
Image caption Taallada Axmed Gurey waxa ay ka midtahay goobaha taariikhiga ah ee Soomaaliya ku yaala

Dadka uu ka mid yahay Cali Ducaale ayaa sawirada ay ka qaadaayaan goobaha dalxiiska waxayna sheegayaan in ujeedka uu yahay sidii Qurba Joogta looga dhaadhicin lahaa in ay dalka usoo dalxiis tagaan.

"Aniga waxaan ka marag kacayaa in sawiraddii aan kasoo qaaday Goobweyn, Baydhabo iyo Calmadoow ay saaxiibo badan oo qaarkood waalid yihiin ay caruurahoodii iyo iyagaba ku dhiiradeen in ay dalka yimaadaan. Waxaan hubaa haddii saxaafaddeena ay quruxdaasi soo bandhigaan in dad badan oo naga maqan oo 21 sanno aan dalka arag ay imaan lahaayeen" ayuu yiri Cali Ducaale.

Dhanka kale waxaa jira fursado badan oo ka jira dhanka dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka mid ah hal abuurka ganacsi ee Soomaaliya, iyada oo wax ka badan boqol shirkadood oo dhanka dalxiiska iyo socdaalka ah ay iska diiwaangaliyeen wasaaradda dalxiiska Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay leedahay buuro, wabiyo, xeeb dheer oo nadiif ah, biyo-dhacyo iyo goobo taariikhi ah, kuwaas oo haddii loo dhamaystiro tasiilaadka loo baahanyahay, looga faa'iidaysan karo dalxiiska sida uu sheegay Cali Ducaale oo sidoo kale u ololeeya arrimaha dalxiiska Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan