Nin xoolo badan ka xaday dadkii duufaanta Irma ay haleeshay

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption .

Nin ku nool jasiiradda St Martin ee jasiiradaha Caribbean-ka ayaa lagu qabtay xoolo badan oo xatooyo ah oo uu ka uruursaday dadkii ay haleeshay duufaantii Irma ee dhawaan halkaas ka dhacday.

Dacwad ooge halkaas ku sugan ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in ay ninka ku qabteen hanti badan oo gaaraysa illaa kumanaan doolar, taas oo uu ka xaday dadkii guryahooda ay burburisay duufaanta.

Xatooyada waxaa ka mid ah alaabo korontada ku shaqeeya, dhar iyo waliba waxyaabo kale oo aad muhiim u ah, kuwaas oo uu meel ku kaydsaday.

Jasiiradan ayaa waxa ku dhuftay darajada shanaad ee cabbirka duufaanta, taas oo ah tan ugu daran ee suurtogalka ah, waxana ay geysatay burbur aad u xooggan oo guryo iyo hanti badan ay ku burburtay.

Meelaha burburka xooggan uu soo gaaray waxaa ka mid ah garoonkii jasiiradan oo ka mid ahaa kuwa ugu casrisan ee jasiiradahan.

Dowladaha Faransiiska iyo Netherlands oo si wadajir ah u maamula jasiiradda ayaa u diray gargaar , iyada oo biyihii iyo cuntadii ay gabaabsi ku jiraan kadib duufaantii dhacday.

Ninkan waxa uu ka mid yahay illaa 80 qof oo loo xirxiray arrimo la xiriira xatooyo kadib duufaantii dhacday.