Jiir weyn oo noociisu cusub yahay oo laga helay Jasiirada Solomon

Jiir Weyn Lahaanshaha sawirka Velizar Simeonovski
Image caption Sawirka muuqaalka jiirka laga helay Jasiirada Solomon Islands

Jiir ama dooli afar jeer ka weyn ka caadiga ah ayaa laga helay jasiirada Solomon ee badweynta Basifika.

Dooligan oo dhererkiisu yahay illaa mitir badhkii (19inj) dherer ahaan, waxa uu ku nool yahay keymaha, waxaanu cunaa lowska.

Jasiiradda Solomon waxa ku nool siddeed nooc oo ka mid ah jiirka, laakiin dooligani waa kii ugu cusbaa ee la arko 80 sanadood gudahood.

Jiirkan oo loo bixiyey Uromys vika, waxa in badan lagu sheegi jirey jasiiradda folklore.

Dhirta ayuu isku qariyaa

Jasiiradaha Solomon oo 1,800km (1,100 mile) u jirta Australia waa jasiirado aan dad ku noolayn.

Xayawaanada naasleyda ah ee ku nool jasiiradahaas meelo kale laguma arko caalamka.

Tyrone Lavery oo wax u baara Xarunta Cilmi Baadhista ee Madxafka California ayaa yidhi "Markii iigu horeysay ee aan la kulmay dadka degan jasiirada Vangunu ee ku taala Solomons, waxay ii sheegeen in uu jiro jiir u gaara jasiirada oo ay u bixiyeen vika oo ku nool dhirta.

Lahaanshaha sawirka Tyrone Lavery
Image caption lowska loo maleynayo in uu calaaliyey jiirkan cusub ee la heley.

"Waxaan isweydiiyay in uu jiirkan mid cusub yahay iyo in ay dadka deegaanku jiirka madow ay u bixiyeen 'vika'." ayuu yidhi, Dr Lavery.

Bishii November 2015 ayuu nin keynta dhir ka goynaya sheegey in uu arkay jiir weyn oo ilaa 10m leeg oo geed saaran.

Jiirkii ayaa geedka kasoo dhacay, waxaana loo direy Madxafka Queensland, ee Australia, oo Dr Lavery ka shaqeeyo.

"Markii ugu horeysey ee aan tijaabo sameeyey, waan gartey in aan jiirkan hore loo arag, "

"Siddeed nooc oo jiir ah ayaa lagu yaqaanaa Jasiiradda Solomon, markii aan eegey lafaha maskaxda oo dilaacsan, waxa ii muuqatay in jiirkan yahay nooc cusub."

Kaddib markii uu qaadey tijaabo DNA ah Dr Lavery wuxuu cadeeyey in j doolligan yahay mid aan horay loo arag, waxaanu u bixiyey Uromys vika.

Jiirkan cusubi waxa uu leeyahay dib dheer oo ay saynisyahanadu aaminsan yihiin in uu ku qabsado laamaha dhirta marka uu dul marayo. Farac uu jiirkani kasoo jeedo ayaa laga yaabaa in jasiiradda u yimaadeen iyaga oo raadinaya doog ama cows.

Markii ay soo degeen jasiiradda ayey yeesheen ilko dhaadheer oo qorqoran oo sidda ay sheegeen dadka deegaanku ay ku kala jebiyaan midhaha lowska iyo qumbaha.

Jiirkan waaweyn ayaa la filayaa in loo diiwaan geliyo xayawaanka la ilaaliyo marka la eego khatarta ay ku sugan yihiin ee ay ku hayaan dadka geedaha goosta.

boqolkiiba 90% dhirta keymahaas ayaa iminka la jaray.

"Goobta laga helay jiirkan waxay ka mid tahay keymaha fara ku tiriska ah ee aan wali dhirta laga jarin" ayuu yidhi Dr Lavery.

"Runtii waa arrin deg deg ah in aan u diiwaan gelino doolligan, waana in la helaa taageero dheeraad ah oo lagu ilaaleeyo deegaanka Zaira ee ku yaala Vangunu oo ah goobta jiirkani ku nool yahay."

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan