Soohdinta aan dhibta lahayn: Ka barro Norway

Qamriga waxaa inta baddan lagu qabtaa xudduuda Norway, canshuurtiisana aad ayay qaali u tahay
Image caption Qamriga waxaa inta baddan lagu qabtaa xudduuda Norway, canshuurtiisana aad ayay qaali u tahay

Haddii aad dooneyso in aad wax ka barato qaabka loo maareeyo soohdin si hufan oo casriya- ugu kaalay Norway. Ugu yaraan waa arrinka ay doonayaan in aad rumeysato saraakiisha illaalada xudduudaha Norway.

Waliba waddankani waxa ay talo soo jeedin u hayaan Ingiriiska , qaabka ay si hufan u maareyn doonaan soohdimahooda marka ay Yurub ka baxaan. - Mana aha uun in la isticmaalo Tiknoolaji, laakiin in lawada shaqeeyana waa muhiim.

Norway oo aan xubin ka ahayn Midowga Yurub, waxay soohdin dhan 1000 mayl la leedahay waddanka Sweden, waa xudduuda ugu dheer dhul ahaan ee ay la leedahay waddan ka mid ah Midowga Yurub. Norway waxay xubin ka tahay bahwadaagta dhaqaalaha ee Yurub. Tan macnaheeda waa in ay si xor ah uga qayb yihiin ganacsiga Midowga, laakin iyada oo ay siddaas tahay waa in ay ilaaleeyaan soohdintooda.

"Uma maleynayo in ay jiro xudduud siddaas hufan loo maareeyo caalamka" ayuu yiri Kristen Hoiberget oo mas'uul ka ah maareynta Soohdinta Svinesund oo ka mid ah xudduudaha loo ogol yahay in ay isticmaalaan shirkadaha maraakiibtu. Waxa uu sheegey xilliga ugu badan ee la sugo si looga gudbo in ay tahay siddeed daqiiqo.

Waxa lagu sameeyey maalgelin badan oo hore loogu mariyey tiknoolajiga si addeegyadu ay si fudud u socdaan. Taas waxa ka mid ah hababka aaladaha casriga ah oo sheega nooca ay tahay badeecada kahor inta aan laga soo rarin bakhaarada iyo qaab casri ah oo la yiraahdo Nordnet oo ay shaqaalaha ilaalada soohdintan ay si fudud ugu wada xiriiraan.

Waxa kale oo ku yaala afar X-ray ama Raajo oo waaweyn oo sawira muujinayana badeecada ay baabuurta xamuulka ahi siddo. Bakhaar weyn oo ku yaala Svinesund, waxa la itusay natiijada, baabuur xamuul ah oo sidda khamri badan oo laga keeney Polland oo la rabey in loosoo gudbiyo Norway oo cashuurta khamrigu ay qaali aad u tahay. Waxa kale oo saarnaa jawaano baradho ah, si aad ah ayaa loo ilaaliyaa dhoofinta iyo keenista dalaga beeraha ee la doonayo in loo soo dhoofiyo Norway.

Xafiisyada ilaaleynta soohdinta, saraakiil ayaa eegaya muuqbaahiyayaal waaweyn oo muujinaya baabuurta ka gudbaya soohdimaha aan cidi joogin oo ay ka mid tahay xuduud yar oo ku taala meel baadiye ah oo u dhaxaysa Norway iyo Sweden oo maalin ka hor aan kasoo guddbey anniga oo u haysta in aan cidina i ilaaleyneyn.

Waxa ay isticmaalayaan qalab isla markiiba akhriyi kara taarikada baabuurta oo la yidhaahdo (ANPR), qalabkaasi waxa uu isla markiiba sheegayaa haddii baabuurkaasi aanu cashuurneyn ama uu ku jiro kombuyuutarka oo la baadi goobayo. Qalabkan ayaa xataa sheegaya baaburka shakiga leh halkii ay shaqaalaha soohdintu ilaaleyn lahaayeen.

Image caption Saraakiil dusha kala socda gaadiid ka gudbaya xudduud aysan cidina illaalo ka haynin.

Qorshaha mustaqbalka waa in lagu xiro nidaamka sii deynta baabuurta si ay gawaadhida xamuulka ah ee sidda badeecada ee nidaamka kombuyuutaradu fasaxeen si fudud ay u bixi karaan iyaga oo aan istaagtaagin. Kristen Hoiberget waxa uu aaminsan yahay shan sannadood gudahood 70% dareewalada baabuurta xamuulka wadaa in ay soohdintaas dhaafi karaan iyaga oo aan cidna la hadal.

Iminka, wali waxa jira waraaqo badan oo la buuxiyo, marka hore xafiisyada cashuuraha, kadibna shaqaalaha soohdinta. 3dii galabnimo baabuur badan ayaa isku soo gaadhey barta kontoroolka soohdinta. waxay goostaan shati, kaddibna waxay sugaan in ay sharciyadooda dhiibaan. Dareewal Swedish ah ayaa ii sheegey in ay qaadan karto ilaa saacad iyo badh, kumana faraxsana heerka addeega xafiiska.

Laakiin sannadihii aynu soo dhaafney waxa sahlay howsha xafiisyada soohdinta maaha oo keliya tiknoolaji, laakiin wada shaqaynta ayaa qayb ka ah. Sweden iyo Norway waxay leeyihiin hishiis ay kala saxeexdeen in badan ka hor heshiiska suuqa keliga ah..

Image caption Mustaqbalka sugitaanka iyo in saf loo galo waxay noqon doontaa mid laga maarmo

Tan macnaheedu waa in ay baabuurta xamuulka ahi istaagaan oo keliya bar kontorool, labada dal booliiskooduna waxay gudaha uga shaqayn karaan labada dalba gudaha dalba waddanka kale gudihiisa ilaa 16km (10mayl).

Tusaale laga soo qaadan karo wadashaqayntan ayaa lagu tilmaami karaa basal Shiinaha laga geliyey dalka Norway oo laga dhigey in ay asal ahaan ka timi Sweden si loo weydaarto cashuurta Midowga Yurub ee caadiyan laga bixiyo badeecada ka timaada waddamada ka baxsan Midowga Yurub.

Waxa aanu isu keeney laba sarkaal oo khibrad u leh shaqada soohdinta si ay ula hadlaan shaqaalaha soohdinta Ingiriiska si ay ugu faa'iideeyaan. Anita Graff oo ka timi Norway iyo Vidar Gundersen oo Sweden ka yimi ayaa iminka u shaqeeya Hay'adda Ganacsiga, laakiin waxay isticmaaleen mashruuc tijaabo ah oo la eegayo tiknoolajiga oo loo isticmaalayo in lagu dedejiyo howlaha soohdinta.

"Waa suurta gal in la sameeyo qaabab loo dhaafi karo xuduudaha iyada oo aan la istaagin- tiknoolajigii ayaa howshaas qabanaya oo yaala ayey ," tiri Anita. Waxay sheegtey in Ingiriiku qalabkaas sameysan karo oo isticmaali karo 18 bilood gudahood.

Vidar waxa uu aaminsan yahay in uu haysto fursad wanaagsan, waayo si bilow ah ayuu howshan u geli karaa. Laakiin waxa loo baahan yahay in wadamada iyo ganacsatadu wada shaqayso. "waa in howshan laga wada shaqeeyo, waana in qof kastaa u arkaa in ay tahay howl u baahan in lawada xaliyo."

Kristen Hoiberget oo ka shaqaysa xudduuda Svinesund waxay aaminsan tahay in aan la dhayalsan howshaas.

Image caption Sargaal ka tirsan kuwa illaalida xudduudaha Kristen Hoiberget

Waxa uu maamulaa 1,300 oo ah baabuurta xamuulka ah maalintii, halka ay maalintii dhaafaan dekadaha Dover iyo Tareenka Yurub ka taga Ingiriis

Waxa uu kula taliyey Ingiriisku in ay hishiis wanaagsan oo ganacsiga ah ay la galaan Midowga Yurub: "Haddii aanad gelin hishiis, waa dhibaato weyn- wax kastaba waa in la joojiyaa oo la sheegaa. Haddii aan lawada shaqayn waa in la joojiyaa wax kasta oo waddanka ka baxaya iyo waxkasta oo soo galaya. Waxaan idiin rajeynayaa nasiib wanaagsan!"

Haddii ay tahay qalabka isla markiiba sheega taarikada baabuurta ama tilifoonada casriga ah oo sheegaya in baabuurka xamuulka ah la eegey, tiknoolajigu waa in uu fududeeyaa howlaha ka socda soohdimaha, maaha sayruukh la sameynayo oo kale. Caqabada runta ahi waa in la isu keeno siyaasiyiinta, saraakiisha soohdimaha iyo ganacsatada wadamo kala duwan si qaab sahlan howshaas loo sameeyo.ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan