Gaashaanbuurta Nato oo Samaynaysa dhoolatuskii Militari ee ugu waynaa

Mid ka mid ah Maraakiibta ak qayb qaadanaysa Doolatuska Lahaanshaha sawirka MOD/CROWN
Image caption Mid ka mid ah Maraakiibta ak qayb qaadanaysa Doolatuska

Dhoolatuskii militari ee ugu waynaa ee ay sameeyaan Gaashaanbuurta NATO ayaa ka dhacaya xeebaha Scotland.

Dhoolatuskani oo loogu magac daray Joint Warrior ayaa la qabtaa labadii sanaba mar.

Carbiskan militari sanadkan waxaa ka qayb qaadanaya Maraakiib dagaalka oo ka socota ciidamada badda ee Yurub.

Dhoolatuska militari ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaadanaya Maraakiibta dagaalka ee dalalka Canada iyo Mareykanka.

Sidoo kale diyaarado dagaal oo ka socda Canada, Fransiiska, Norway,UK iyo Mareykanka ayaa iyaguna ka qaybqaadan doona dhoolatuskan Joint Warrior.

Dhoolatuska oo ah mid ballaaran dhinacyo badana ay ka qayb qaadanayaan ayaa socon doona ilaa 12 bisha October.

Ciidamada lugta ee Gaashaanbuurta NATO ayaa sidoo kale ka qayb qaadan doona Dhoolatuskan Militari.

Dhoolatuska ayaa waxyaabaha la soo bandhigayo waxaa ka mid ah ,sida looga dagaalamo jiida hore ee dagaalka,farsamooyiinka loo isticmaalo la dagaalanka argagixisada iyo tababar ku saabsan sida loo fuliyo howlgalada ka dhanka ahwaxyaabaha Kontarabaanka.