Dadka gobolka Catalonia oo u soo baxay codeynta aftida madaxbanaanida

Codbixiyayaal isugu soo baxay goobaha codadka laga dhiibto Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Codbixiyayaal isugu soo baxay goobaha codadka laga dhiibto

Gobolka Catalonia, ee dalka Spain waxa bilaabmay safafka ay dadka ugu jiraan goobaha codaynta aftida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe ee dalkaasi.

Saraakiisha gobolkaasi ayaa waxa ay sheegeen in Sanaadiiqda codaynta ay diyaar yihiin ayna filayaan in dad badan ay u soo baxaan aftida maanta.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.

Booliiska Spain ayaa lagu amray in ay joojiyaan codeynta aftida madaxbanaanida.

Kolanyo gawaarida ciidamada booliiska ah ayaa ka ruqaansaday saldhig ay ku leeyihiin Dekadda magaalada Barcelona.

Xalay waxa isu soo baxay kumannaan qof oo taageersan aftida kuwaasi oo isugu soo baxay iskuulada lagu wado in loo isticmaalo xarumaha codeynta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah taageerayaasha Aftida

Qabanqaabiyayaasha ayaa waxa ay ugu baaqeen codbixiyayaasha in ay soo baxaan si ay u difaacaan goobaha codeynta.

Qaar ka mid ah magaalooyiinka gobolka Catalonia ayaa waxa isu soo baxay dad Beeraley ah oo cagafcagafyo dhigay wadooyiinka iyo goobaha laga galo xarumaha codaynta sida ay ku warantay qaar ka mid warbaahinta Spain .

Aftida ayaa ah mid dadka la waydiinayo hal su'aal oo ah "Ma doonaysaa in Catalonia ay noqoto jamhuuriyad madaxbanaan? "waxaa jira laba Sanduuq oo loogu tala galay in lagu rido Haa iyo Maya.