Heshiis xabad joojin ah oo maanta ka dhaqangalay Colombia

Juan Manuel Santos Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Juan Manuel Santos

Xabad joojin kumeel gaar ah oo u dhaxaysa dowladda Colombia iyo kooxda mucaaradka ee ELN ayaa maanta ka dhaqangashay dalkaasi.

Ka dib in ka badan 50 sano oo dagaal ah ayaa hogaamiyaha kooxdani oo lagu magacaabo,Gabino,waxa uu ku amray dagaalyahanadiisa in ay joojiyaan dhammaan howlaha dagaalka.

Xabad joojintan u dhaxaysa xukuumada Colombia iyo mucaaradka ELN ayaa lagu wadaa in ay socoto ilaa horraanta bisha January ee sanadka soo socda.

Ciidamada Jabhada ELN ayaa la rumaysan yahay in tiradooda ay dhan tahay 1500 oo dagaalyahan.

Madaxwayne Juan Manuel Santos ayaa sheegay in uu rajaynayo in heshiiskan uu noqon doono tillaabadii ugu horeysay oo loo qaado dhanka nabadda.

Dowladda Colombia iyo mucaaradka ELN ayaa tan iyo bishii February ku jiray wadaxaajood ay garwadeen ka ahayd dowladda Ecuador oo daris la ah dalkaasi.

Sanaddii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay xukuumadda Colombia ay heshiis nabadeed la saxiixatay kooxda mucaaradka ee FARC.

Heshiiska kooxda FARC ayaa waxa uu soo afjaray dagaal dalkaasi Colombia ka socday muudo ka badan 50 sano.