HRW: Iran waxay dagaalka Suuriya u adeegsataa caruur reer Afghanistan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir hore

Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Iran ay askareyso caruurta kasoo haajira dalka Afghanistan, si ay uga dagaalamaan gudaha dalka Suuriya.

Caruurtan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin guutada Fateminyoun oo ah askar Afghanistan, balse lagu tababaro magaalada Tehran, si ay uga barbar dagaalamaan ciidmmada dowladda Suuriya. Qaar kamid ah caruurtan ayaa la sheegay in da'doodu ay gaareyso afar iyo toban sano.

HRW ayaa sheegeysa inay aqoonsadeen sideed caruur oo u dhashay dalka Afghanistan, kuwaa oo ku dhintay gudaha dalka Suuriya.

Baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa muujinaya in xukuumada Iran ay kumanaan askari oo muhaajiriinta kunool dalkeeda u dirto dagaalka Suuriya.