Dad ku dhintay dibadbaxyada madaxbannaanida ee Cameroon

Booliiska rabshadaha ka hor taga oo roondo samaynaya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska rabshadaha ka hor taga oo roondo samaynaya

Ciidammada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen ugu yaraan siddeed ruux intii ay socdeen dibadbaxyo ay madaxbannaani ku dalbanayeen dadka degan qaybaha Afka Ingiriisiga lagaga hadlo ee dalkaasi.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo gobolkaasi ku yaal, kuwaas oo lagu xusayay sannadguuradii 56aad ee ka soo wareegtay markii lagu daray gobolka looga hadlo Afka Ingiriisiga qaybaha kale ee dalka Cameroon.

Maayirka magaalada Kumbo ayaa BBC-da u sheegay in todoba qof lagu dilay magaaladiisa, dadkaas oo shan ka mid ah ay ahaayeen maxaabiis la toogtay kaddib markii dibadbaxayaasha ay dab qabadsiiyeen xabsigii ay ku jireen.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in la sii daayo maxaabiista laga soo qabqabtay dibadbaxyadii xiriirka ahaa ee dalkaasi ka dhacay sanadkii la soo dhaafay.

Maayirka ayaa sheegay in dibadbaxayaasha ay goobaha muhiimka ah ee magaalada Kumbo oo uu ka mid yahay qasriga boqortooyada ay ku hor lulayeen calanka ay isticmaalaan kooxaha u dhaqdhaqaaqa u gooni u goosadka.

Dibadbaxyo kale ayaa waxa ay iyana ka dhaceen qeyba kale oo ka mid ah gobollada looga hadlo Afka Ingiriisiga ee dalka Cameroon.

Wax u muuqday dhaqdhaqaaq lagu dalbanayo xuquuq wanaagsan ayaa isubadalay in si cad ay dadku u dalbadaan madaxbannaani, arrintaas oo dowladda Cameroon aanay aqbali doonin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in dowladda Cameroon ay dibadbaxayaasha u adeegsanayso awood xad dhaaf ah