Deeggaanka Gaarisa oo laga mamnuucay dhirta la jaro ee dhuxusha laga sameeyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Deeggaanka Gaarisa oo laga mamnuucay dhirta la jaro ee dhuxusha laga sameeyo

Dowlad deegaanka Gaarisa ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku mamnuucday in dhirta la jaro oo dhuxul laga sameeyo.

Arrintan ayey dowladda deegaanku sheegtay inay uga gol-leedahay inay uga hortagto nabaad guur ku yimaada deeganka.

Deegaanka Gaarisa ayaa waxaa ku badan dhirta la jaro ee laga sameeyo ganacsiga dhuxusha, taas oo lagu eedeeyo inay ku dhaqaaqaan reer guuraa xoolahoodii ku waayay abaaraha soo noqnoqday iyo dhalinyaro aan helin fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo.

Cabdullaahi Cumar Aadan (Cabdullaahi Kabay) oo ka mid ah xubnaha dowlad deegaanka Gaarisa, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay.