Soomaali loo xiray weerarkii Edmonton iyo Soomaalida magaaladaas ku nool oo cabsi ay soo wajahday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali loo xiray weerarkii Edmonton iyo Soomaalida magaaladaas ku nool oo cabsi ay soo wajahday

Soomaali qaxooti ahaan ku tegay dalka Canada, ayaa loo xiray weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen.

30 sano jirkan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa looga shakisan yahay inuu tooriyeeyay nin boolis ah uuna maalintii Sabitada dhaawacay afar qof oo kale oo marayay wadada hareeraheeda.

Haddaba khadka taleefanka ayaa waxaannu kula xiriirnay Cabdirisaaq Ismaaciil (Cabdirisaaq Cirro) oo ah Soomaali deggan magaaladaasi oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay, sida ay ku ogaadeen in ninka weerrarka gaystay uu Soomaali yahay?