Haweenka xubnaha ka ah baarlamaanka Gaarisa oo sheegay inay horumarinayaan ajandaha haweenka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka xubnaha ka ah baarlamaanka Gaarisa oo sheegay inay horumarinayaan haweenka

Haweenka xubnaha ka ah baarlamaanka deegaanka Gaarisa oo dhammaantood ah kuwo la soo magacaabay ayaa sheegay inay har iyo habeen ka shaqeyn doonaan sidii ay ku horumarin lahaayeen ajandaha haweenka deegaankaasi.

Waxa ay sheegeen inay doonayaan in dadka deegaanka ay tusinayaan awoodaha qarsoon ee dumarku u leeyihiin hoggaanka wanaagsan.

Aad ayey u yar tahay haween ku soo baxa kuraasta loo tartamo, taas oo siyaasiyiintan ku eedaynayaan inay sabab u tahay qabiilka iyo dhaqanka Soomaalida oo haweenka aanan loo ogolaan inay ka qeyb qaataan maamulka.

Haddaba dhaqdhaqaaqa ay haweenkan wadaan ayaa waxaannu ka wareysannay Faadumo Maxamed Shide oo ka mid ah haweenka xubnaha ka ah baarlamaanka deegaanka Gaarisa, waxa ay u warrantay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay.