Dibadbaxayaasha Togo oo 'digniin kama dambeysa ah' u diraya madaxweynaha

Dibadbaxyaasha Togo Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dibadbaxyaasha Togo

Tobanaan kun oo qof ayaa ka qeyb daanaya dibadbaxyo ka dhacaya guud ahaan dalka Togo.

Waxaa jira sidoo kale tiro badan oo dibadbaxyaaal ah oo ku sugan magaalada labaad ee ugu weyn ee Sokode iyo magaalada waqooyi ee Bafilo, halkaasi oo dhalinyaradu xireen wadda ugu weyn ee isku xirta waqooyiga iyo koonfurta dalka Togo.

Dibadbxayaasha ayaa waxa ay ugu baaqayaan madaxweynaha Togo, Faure Gnassingbe, inuu iscasilo.

Dadkaan dibadbaxaya ayaa sita boorar ay ku dalbanayaan in dib loo soo celiyo dastuurkii 1990, ee dalkaasi, kaasi oo ku xaddidaya laba waqti inta jeer ee uu madaxweynuhu xilka qabanayo.

Hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Togo, Jean-Pierre Fabre, ayaa sheegay inay doonayaan inay sii cadaadiyaan dowladda.

Madaxweynha Togo, Mr Gnssingbe, ayaa markii saddexaad xilka haya.

Mr Gnssingbe ayaa ka guuleystay aabihiis, taasi oo ka dhigan in qoys qura ay ka talinayaan Togo 50 sano.

Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay waxaana dhaawacmay boqolaal kale tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dalkaasi.