Hooyo loo xiray in ay diiday in la tallaalo wiilkeeda

Rebecca Bredow ayaa ninkeedii hore ka diiday in wiilkooda loo tallaalo Lahaanshaha sawirka WXYZ
Image caption Rebecca Bredow ayaa ninkeedii hore ka diiday in wiilkooda loo tallaalo

Hooyo ku sugan gobolka Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay toddobo maalmood oo xabsi ah ka dib markii ay diiday amar maxkamadeed oo oo ahaa in ay wiilkeeda tallaasho.

Rebecca Bredow ayaa markii hore ninkeeda ku waafaqday tallaalka, balse markii dambe diiday in wiilka loo tallaalo.

Ninkeedii hore ayaa si ku meelgaar ah loogu xukumay in uu wiilka hayo wakhtiga intiisa badan, tallaalana.

Waalidiinta gobolka Michigan ayaa si sharci ah loogu ogol yahay in ay carruurta tallaalka ka baajiyaan ama dib u dhigaan waxyaabo ay rumaysan yihiin awgeed.

Laakiin hooyadan gafka ay gashay ee loo xiray ayaa ah in ay ka soo bixi wayday heshiis ay ninkeedii hore la gashay 2016kii.

Hooyadan oo labo carruur ah dhashay ayaa Arbacadii lagu helay amardiido maxkamadeed ka dib markii ay jabisay amarkii tallaalka wiilkeeda.

Lamaanahan ayaa kala tagay 2008dii sida ay ku warrantay ABC News, laakiin waxay ku heshiiyeen in ay carruurta isla koriyaan, wiilka aabihiina wuxuu rabaa in la tallaalo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan