Maxkamad diiday in ay kulmaan xildhibaanada Catalan

Taageerayaasha madaxbannaanida oo dibadbaxaya Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taageerayaasha madaxbannaanida oo dibadbaxaya

Maxkamadda dastuuriga ee Spain ayaa joojisay in ay kulmaan golaha baarlamaanka ee gobolka Catalonia, kuwaas oo doonaya in ay ku dhawaaqaan madaxbannaani rasmi ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah "ay xadgudub ku tahay dastuurka".

Xilli sii horeysay, Ra'iisul Wasaare Mario Rajoy ayaa uga digay dowladda gobolka in ay ku dhawaaqdo madaxbannaanida ka dib aftidii lagu murmay ee Axaddii.

Hoggaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, ayaa muujiyay in shaacinta rasmiga ah uu ka sheegi doono kullanka baarlamaanka ee isbuuca dambe.

Go'aanka maanta, maxkamadda Dastuuriga waxay taageertay xisbiga Hanti-wadaagga ee Catalonia oo ka soo horjeeda kala go'idda.

"In loo ogolaado in baarlamaanka gobolka uu kulmo, kuna dhawaaqo madaxbannaani, waxay carqalad ku tahay xuquuqda xubnaha baarlamanka ee xisbiga Hanti-Wadaagga," ayey sheegtay maxkamadda.

Dadka qabanqaabiyay aftidii Axaddii ayaa sheegay in dad gaaraya boqolkiiba 42 ay codeeyeen, taas oo u dhiganta 2.2 milyan oo qof in ay aftida ka qeybgaleen.

Waxay sheegeen, in 90 boqolkiiba ay u codeeyeen madaxbannaanida, balse weli maysan baahin natiijada rasmiga ah. Waxaa jiro warar sheegaya "wax isdabamarin".

Waxaa rabshado ka dhaceen xarumaha qaar ee codeynta ayadoo booliska ay xoog uga hortageen in dadka qaar codeeyaan.

Waxay qabteen sanaadiiq codeyn, waxayna xireen xarumo lagu codeyn lahaa. Sidoo kale, waxay kala ceyriyeen dad codkooda dhiiban lahaa, ayagoo u hogaansan go'aan maxkamadeed oo lagu mamnuucay tallaabadaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan