"Dameeraha oo ay soo wajahday xaaladdii ugu xumayd abid"

Dameeraha Shiinaha qaarkood beeraha ayaa lagu qotaa Lahaanshaha sawirka FREDERIC J. BROWN/AFP/GETTY IMAGES
Image caption Dameeraha Shiinaha qaarkood beeraha ayaa lagu qotaa

Hay'ad Britain laga leeyahay ayaa ka digaysa in dameeraha ay soo wajahday xaaladdi ugu xumayd abid iyadoo dalab ka yimid Shiinaha uu horseeday in malaayiin ka mid ah loo iibgeeyo.

Afrika oo dhan dameeraha ayaa dalab ka yeeshay.

Dalka Kenyana qiimaha dameeraha ayaa labo jibaarmay labadii sano ee u dambeeyay, iyadoo dadka sii iibiya ay isku dayayaan in ay ka jawaabaan dalabka dameeraha.

Maqaarkooda ayaa la kariyaa oo laga sameeyaa dawo la rumaysan yahay in ay caafimaad leedahay oo lagu dabiibo kansarka, kana hor hor tagto da'a

Hay'adda ka shaqaysa xannaanada dameeraha ee Donkey Sanctuary oo fadhigeedu yahay Britain oo baadhitaan ku samaysa eedaymaha ku saabsan in aan si xun loo adeegsado dameeraha ayaa sheegtay in malaayiin ka mid ah la laayay, kuwo kale oo badanna si xun loola dhaqmay.

Dameeraha ayaa faa'iido badan leh gaar ahaan marka laga hadlayo qoysaska Afrikaanka ah ee danyarta ah oo u adeegsada gaadiid ahaan iyo waliba waxyaabaha kale ee nolol maalmeedkooda la xiriira.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ngeria ayaa mamnuucday in dameeraha la dhoofiyo

Laakiin markii qiimaha dameeruhu ay sare u keceen qoysas badan ayaa laga xaday, qaali ayayna ku noqotay in ay mar kale soo iibsadaan.

Dalka Kenya waxaa ku yaalla saddex kawaan oo hilibka dameeraha oo kali ah lagu qalo, laakiin waxaa jira dalal badan oo arrintaas xayiraad saaray ama mamnuucayba in laga ganacsado, iyaga oo ku sababeeyay saamaynta uu dalabkooda badan ku yeeshay tiradii dameerihii dalalkooda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan