Taliyaha booliska Catalonia oo "fallaaganimo" lagu eedeeyay

Taliyaha booliska, Trapero (waa midka labaad, dhanka mididgta) Wuxuu gaaray maxkamad ku taalla Madrid oo lagu dacweynayo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taliyaha booliska, Trapero (waa midka labaad, dhanka bidixda) Wuxuu gaaray maxkamad ku taalla Madrid oo lagu dacweynayo

Taliyaha booliska gobolka Catalonia, Josep Lluis Trapero, ayaa hor tagay maxkamad ku taalla Madrid, waxaana looga shakisan yahay in uu taageeray in gobolka Catalan uu ka go'o Spain.

Ciidamada uu maamulo ayaa lagu eedeynayaa in ay ku guuldareysteen in ay taageeraan ciidamo kale oo ka hortagayay aftidii madaxbannaani ee 1-dii bishan.

Taliye kale oo ka tirsan ciidamada Catalan iyo laba qof oo u ololeeya madaxbannaanida ayaa sidoo kale su'aalo la weydiinayaa.

Aftidii Catalan ee Axaddii tagtay, waxaa lagu tilmaamay mid ka dhan ah sharciga Spain.

Dhageysiga dacwadda ayaa ka socoto maxkamadda dembiyada ee magaalada Madrid. Eedaha loo haysto waxaa ka mid ah, in ay ka hortagi waayeen dibadyaxyo Barcelona ka dhacay 20-kii Sebtembar.

Wargeys si aad ah loo aqristo, El Pais, ayaa sheegay in eedaha ka dhanka ah Mossos ay yihiin kuwa dhaafsiisan dimuquraadiyadda Spain.

Dembiga fallaaganimada ee sharciga Spain wuxuu ahaa mid adag, tan iyo 1822. Qofkii uu ku cadaadana waxaa lagu xukumayaa illaa 15-sano oo xabsi ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Mossos lagu amaanay tallabada degdegga ahayd ee ay kaga hortagaeen koox Islaamiyiin ahaa oo qaaday weerarkii Barcelona ka dhacay bishii August.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taliye Trapero: wuxuu hoggaamiyaa ciidamada Mossos

Dowladda gobolka Catalan ayaa sheegtay in maalmo gudahood ay ku dhawaaqi doonaan madaxbannaani rasmi ah.

Shalay, Maxkamadda dastuuriga ee Spain ayaa joojisay in ay kulmaan golaha baarlamaanka ee gobolka Catalonia, kuwaas oo doonaya in ay ku dhawaaqaan madaxbannaani rasmi ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah "ay xadgudub ku tahay dastuurka".

Xilli sii horeysay, Ra'iisul Wasaare Mario Rajoy ayaa uga digay dowladda gobolka in ay ku dhawaaqdo madaxbannaanida ka dib aftidii lagu murmay ee Axaddii.

Hoggaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, ayaa muujiyay in shaacinta rasmiga ah uu ka sheegi doono kullanka baarlamaanka ee isbuuca dambe.

Go'aanka maanta, maxkamadda Dastuuriga waxay taageertay xisbiga Hanti-wadaagga ee Catalonia oo ka soo horjeeda kala go'idda.

Lahaanshaha sawirka Reuters/AFP
Image caption Dadka la hor geeyay maxkamadda waxaa ka mid ah Madaxa baarlamanka Catalan Jordi Sanchez (Bidix) iyo Madaxa dhaqanka Omnium Jordi Cuixart

Dadka qabanqaabiyay aftidii Axaddii ayaa sheegay in dad gaaraya boqolkiiba 42 ay codeeyeen, taas oo u dhiganta 2.2 milyan oo qof in ay aftida ka qeybgaleen.

Waxay sheegeen, in 90 boqolkiiba ay u codeeyeen madaxbannaanida, balse weli maysan baahin natiijada rasmiga ah. Waxaa jiro warar sheegaya "wax isdabamarin".

Waxaa rabshado ka dhaceen xarumaha qaar ee codeynta ayadoo booliska ay xoog uga hortageen in dadka qaar codeeyaan.

Waxay qabteen sanaadiiq codeyn, waxayna xireen xarumo lagu codeyn lahaa. Sidoo kale, waxay kala ceyriyeen dad codkooda dhiiban lahaa, ayagoo u hogaansan go'aan maxkamadeed oo lagu mamnuucay tallaabadaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan