Jabhadda Rohingya oo sheegtay in ay diyaar u yihiin wadaxaajood

Qaxootiga Rohingya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxootiga Rohingya

Maalmo ka hor inta aysan dhammaan muddada bisha ah ee xabad joojintii ay ku dhawaaqeen jabhadda mucaaradka Rohingya ayaa waxa ay jabhada soo saareen bayaan kale.

Jabhadda Arakan Rohingya Salvation Army (or ARSA) ayaa waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin dalab waliba oo nabadgalyo oo ay u soo bandhigto xukuumadda Myanmar.

Hasa yeeshee Jabhadani waxa ay ka digeen in ay ka go'an tahay in ay joojiyaan oo ka hortagaan waxa ay ugu yeertay cadaadiska ka dhanka ah dadka Rohingya.

In ka badan nus malyuun Muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangladesh tan iyo bishii August.

Qaxa ayaa bilaabmay ka dib markii militariga Myanmar ay bilaabeen howlgal xoogan oo ay ka fulinayeen gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaasi ee Rakhine.

Howlgalada ayaa ka danbeeyay sida ay sheegtay dowlada Myanmar ka dib markii Jabhadda Arakan Rohingya Salvation Army (or ARSA) ay weeraro ku qaadeen saldhigyo Booliis.

Qaramada midoobe ayaa ku tilmaamtay isir sifeyn howlgalada ay xukuumada Myanmar ka wado gobolka Rakhine.