Dibadbaxyo ka dhacaya magaalooyin Ruushka ku yaalla

Mucaaradka Ruushka waxay dalbanayaan dimoqraadiyad Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka Ruushka waxay dalbanayaan dimoqraadiyad

Dalka Ruushka dad ka badan 250 qof ayaa la xiray. Waxayna dadkani taageerayaan hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny.

Dibadbaxyadu waxay ka dhaceen 80 magaalo . Waxayna mucaaradku dalbanayaan in loo ogolaado inay doorashooyinka ka qayb qaataan.

Mudaaharaadka ugu weynaa waxa uu ka dhacay magaaladda St Petersburg oo mucaaradku ay ku xoogan yihiin.

Hogaamiyaha mucaaradka ayaa hada xiran mudo labaatan maalmood ah. Waxaana loo haystaa inuu sharciga jabiyay.

Gudiga doorashooyinka Ruushka ayaa sheegaya inuusan doorashada ka qaybgali karrin hogaamiyaha mucaaradka.

Ilaa dad gaaraya sadax kun oo qof oo banaanbaxayay ayaa watay tabeelooyin ay ku qoran yihiin ' Navalny 2018'

Waxaa jiray dad badan oo la xiray ka dib markii ay isku dayeen inay booliska jiiraan.

Qabanqaabiyayaasha banaanbaxyada ayaa ah kuwo u ololeeya dimoqraadiyada Ruushka