Ciidamada Qaramada Midoobo oo holwgalo ka fuliyay dalka CAR

Nabad Ilaaliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaafwareegaya deegaanka Bria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nabad Ilaaliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaafwareegaya deegaanka Bria

Ciidamda nabad ilaalinta Qaramada Midoobe ee ku sugan dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa waxa ay sheegeen in ay waqooyi galbeed dalkaasi ay howlgal xooggan ka fuliyeen.

Howlagalkan ayay sheegeen ciidamada Qaramada Midoobe in ay uga saareen mucaaradka 3-R magaalada Bocaranga.

Ciidamada Qaramada Midoobe ee nabad ilaalinta u jooga Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkan oo ahaa mid balaaran ay u isticmaaleen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helekobtarada.

Bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii magaaladan Bocaranga uu iska hor imaad ku dhexmaray kooxo hubaysan oo iska soo horjeeda.

Khubarada militariga iyo kuwa bina'aadanimada ayaa waxa ay sheegeen in xaaladda ammaan ee Jamhuuriayada Afrikada dhexe ay sii xumaanaysay bilooyiinkii ugu danbeyay .

Isku dhacyada ka dhaca Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa waxa inta badan khasaaro ugu xooggan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.