Tirada codbixiyayaasha Somaliland oo la shaaciyay

Xubnaha guddiga doorashada Somaliland
Image caption Xubnaha guddiga doorashada Somaliland

Gudiga doorashooyinka Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee 13 Nofember la qaban doono.

Tirada codbixiyayaasha la diiwaangeliyay waxay gaareysa 704,089 (todoba boqol iyo afar kun iyo siddeetan iyo sagaal qof).

Munaasabad lagu qabtay xarunta Gudiga Doorashooyinka ayaa lagaga dhawaaqay in dadka la diiwaan geliyay oo keli ah codeyn doonaan.

Sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga, Cabdilqaadir Iimaan, wuxuu sheegay in qofka codbixiyuhu uu ka codeyn karo oo keli ah goobtii uu hore isaga diiwaangeliyay ee gobolkiisa.

Munaasabadda waxaa ku sugnaa wakiilo ka kala socday saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashada, wasiirka arimaha gudaha, iyo saxaafadda.

Goobaha codeynta ee Somaliland ayaa gaaraya 1,642, oo la sheegay in ay yihiin laga soo bilaabo min lawyacaddo ilaa taleex.

Sida guddiga doorashada uu sheegay degmooyinka Dhahar iyo laasqoray ee gobolka Sanaag kama aysan dhicin diiwaangelin.

Axsaabta siyaasadda ayaa soo dhoweeyay howsha uu qabtay guddiga oo soo bandhigay teknolojiyad cusub oo ay ka caawiyeen shirkado laga leeyahay Irland iyo Faransiiska.

"Qofkaysan u suuragalin in uu qaato kaarkiisa codeynta, wuxuu qaadan karaa doorashada madaxweynaha ka dib. Kuwa 16-ka sano gaarayna xilligaas ayey qaadan karaan," ayuu yiri Saciid Cali Muse, Afhayeenka guddiga doorashada oo ka jawaabayay su'aal uu weydiiyay Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo ahayd waxa ay sameyn karaan dadka aan fursad u helin in ay helaan kaararka.

Tirada gobolkasta iska diiwaangelisay

Tirada codbixiyaasha rasmiga ee Gobollada jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxay kala yihiin:

  • Maroodijeex: 249,229
  • Togdheer: 147,440
  • Awdal: 102,571
  • Sanaag: 80,334
  • Sool: 63,698
  • Saaxil: 60,817

Ololaha doorashada ayaa la filayaa in uu bilowdo bishan dhexdeeda. Axsaabta siyaasadda waxay dadka u bandhigi doonaan waxa ay qabanayaan.

Qalabka doorashada iyo warqadaha codeynta ayaa dhowaan la geeyay Hargeysa. Doorashada waa mid ay ku oo keli ah musharrixiinta xilka madaxweynaha.

Lahaanshaha sawirka Guddiga doorashada Somaliland
Image caption Tirada codbixiyayaasha

Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

Dhowaan,wafdi sare oo ka socday dalal caalami ah ayaa booqday Hargeysa, kuwaas oo soo eegayay sida ay u socoto qabanqaabada doorashada bisha soo socoto ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida u dhowaaqday ee Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu xusay in Hargeysa ay booqdeen safiirada Denmark, Midowga Yurub, iyo ergo ka socotay Finland, Fransiiska, Netherlands iyo UK.

Wafdiga ayaa la kulmay madaxwayne Siilaanyo, guddiga doorashada ee NEC iyo seddax musharrax oo xilka madaxweynaha u tartamaya.

Waxay sheegeen in ay si cad u taageerayaan doorasho xaq ah in ay Somaliland ka dhacdo 13-ka bisha soo socota ee Nofembar.

Waxay sidoo kale musharrixiinta ku booriyeen in ay aqbalaan natiijada kastoo ka soo baxda doorashada.

"Daneeyayaasha caalamiga ah waxay ogaadeen in diyaargarowga doorashada ee guddiga NEC uu ahaa mid miro dhal leh", ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen ergada booqatay Hargeysa.

"Soo afjaridda diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo siinta kaararkii ay ku codeyn lahaayeen iyo qaabilidda musharrixiinta xilka madaxweyne iyo ku xigeen, waxay ahayd guul wayn oo la gaaray," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladaha caalamiga ah ee Somaliland daneeya, ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada, si dhowna ula soconayaan diyaargarowga iyo qabashada doorashada madaxweynaha.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan