Dabeylo sii hurinaya dabka kaymaha Maraykanka

Charles and Sara Rippey (inset) and one of the wildfires in Napa Valley Lahaanshaha sawirka AFP

Dabeylo xooggan ayaa lagu soo waramayaa in ay sii hurinayaan dabka ka kacay kaymaha Maraykanka, waxayna wararka sheegayaan in magaalooyin dhan laga qaxay.

Lamaane dhawaan u dabaaldagay 75 guuradii arooskooda ayaa ka mid ahaa 21 ruux oo ku dhintay dabkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka California ee dalka Maraykanka. waxaa la la'yahay illaa 300 qof meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Charles Rippey oo 100 jir ahaa iyo xaaskiisa Sara oo 98 jir ahayd ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay 22kii dab ee baabi'iyay 115,000 ee aykar iyo 3,500 ee guri.

Lamaanahan oo asal ahaan ka soo jeeda Wisconsin, ayaa markii u horraysay ku kulmay dugsi hoose sida ay waalashoodu u sheegeen wargayska New York Times.

Deegaanka Sonoma oo ka mid ah goobaha uu dabku dhibka baaxadda leh u gaystay ayay masuuliyiintiisu sheegeen in wali la la'yahay 380 ruux.

Taliyaha booliiska Sonoma Robert Giordano ayaa mar hore sheegay in la la'yahay 670 ruux, wuxuuna intaas raaciyay in xaaladdu ay si dhakhso ah isu badbadalayso.

Lahaanshaha sawirka Family photo

Wuxuu sheegay in 150 ruux la ogaaday meesha ay ku sugan yihiin uuna filayo in qaar ka mid ah dadkaas aan magacyadooda wali laga saarin diiwaanka dadka la'layahay

Daad gurayn dheeri ah ayaa la amray Arbacadii iyadoo dabayluhu ay dhinac kale u jihaysteen.

Dhammaan dadkii ku noolaa magaalada Calistoga oo ka tirsan deegaanka Napa ayaa loo sheegay in ay isaga tagaan magaalada, waxaa lagu qiyaasay in ay 5,000 oo ruux ku sugnaayeen, booliiskuna waxay hor istaagayaan dhammaan gaadiidkii u socday dhankaas.

Khariidddada goobaha uu wali dabku ka sii kacayo 11 Oktoobar 2017 wakhtiga Maraykanka

Sawir muujinaya si uu markii hore ahaa huteelka Hilton ee magaalada Santa Rosa iyo sida uu dabku u galay markii dambe

Lahaanshaha sawirka Google/Getty
Image caption Huteelka Hilton ee Santa Rosa
Lahaanshaha sawirka Google/Getty