Haweenay fasax laga siiyay shaqada kadib markii uu eeygeeda xanuunsaday

. Lahaanshaha sawirka Alamy

Haweenay u dhalatay dalka Talyaniga ayaa ku guuleysatay dacwad markamadeed , waxaana loo xukumay in ay fasax u qaadan karto eeygeeda rabbaayada ah oo xanuunsan.

Dacwadda waxaa garab ka siiyay garyaqaano, kuwaas oo maxkamadda ka hor sheegay qodob ka mid ah sharciga Talyaaniga oo sheegaya in qofkii xayawaan dayaca lagu xukumo hal sano oo xarig ah ama $10 kun oo doolar.

Haweenaydan oo aanan magaceeda la sheegin ayaa waxa ay u shaqaynaysay jaamacadda La Sapienza ee Rome, waxayna qaadatay fasax labo maalmood ah si ay u xanaanayso eeygeeda oo 12 jir ah.

Garyaqaanka lagu magacaabo Gianluca Felicetti ayaa yiri "Waa talaabo muhiim ah in maxkamadda aqoonsato in xayawaanka aanan dheefta laga raadinin ay xubno ka yihiin qoyska".

Talyaaniga oo xaalad dagdag ah ku dhawaaqay dhulgariirka kaddib

Wuxuu intaas ku daray in dadka kale ee arrintan oo kale ay qabsato ay xukunkan ka faa'iidaysan karaan.

Caadi ahaan waxaa shaqooyinka fasaxa laga qaadan karaa marka uu xanuun daran hayo qof qoyska ka tirsan ama xaalad adag oo kale ay qofka shaqaynaya lasoo gudboonaato.