Maamulka Dekadda Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad ajnabi ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Dekadda Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad ajnabi ah

Maamulka dekadda Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay shirkadda P&O taas oo qeyb ka ah shirkadda weyn ee maamusha dekadaha ee DP World.

Shirkadda ayaa dekadda laga kireeyay muddo 30 sanno ah, muddadaasna waxa ay casriyayn doontaa oo ay ballaarin doontaa dekedda si ay ula tartanto dekadaha kale ee ku yaal gobolka.

Hasayeeshee qaar ka mid siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Bari ayaa walaac ka muujiyay arrintan, kuwaas oo sheegay in si fudud aanan lagu gelin heshiis aan ciribtiisa la mahadin.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno maamul wareejinta dekadda Boosaaso ayaa waxaannu khadka taleefanka kula xiriiray Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha ee Puntland, Saciid Maxamed Raage oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo waydiiyay waxa ay ka faa'iidayaan wareejinta maamulka dekadda Boosaaso?