Canada oo joojisay su'aalaha xijaabka ee Qaxootiga la waydiiyo

Qaxootiga lagu diiwaangelinayo xuduuda Quebec iyo Mareykanka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxootiga lagu diiwaangelinayo xuduuda Quebec iyo Mareykanka

Canada ayaa joojisay isticmaalka warqad ay ku qoran yihiin su'aalo u muuqda in si gaar ah loo waydiiyo muslimiinta tahriibayaasha ah ee dalkaasi galaya.

Waxaa la adeegsan jiray warqad su'aalo adag lagu waydiinayo dadka megengelyo doonka ah ee xuduudda Quebec ka qalaya Canada.

Qaxootiga su'aalahaa la waydiiyo waxay badankooda ka tagaan Mareykanka si ay deganaansho uga helaan Canada.

Waaxda ilaalinta arrimaha bulshada ee Canada ayaa sheegtay in su'aalaha ay yihiin "kuwo aan haboonayn oo khilaafsan shuruucda dowladda".

In ka badan 13,000 oo qof oo qaxooti ah ayaa si sharcidaro ah ku galay Canada, tan iyo bishii January ee sanadkan, kuwaa oo ka tallaabay xuduudda Quebec.

Qareen u dooda arrimaha qaxootiga, Clifford McCarten, ayaa BBC-da siiyay nuqul ka mid ah warqadda su'aalaha ay ku qoran yihiin.

Su'aalaha qaar waa kuwo aan dhib lahayn oo la xiriira, dalka uu qofka ka soo jeedo, xaaladda caafimaad iyo in saxiib uu ku leeyahay Mareykanka ama Canada.

Balse su'aalaha qaar ayaa dhigaya in qofka uu sheego aragtida uu ka haysto ururka la baxay dowladda Islaamka iyo Taliban, iyo fikradda uu ka qabo dumarka aan xirnayn xijaabka ama aan timahooda dadin.

Sidoo kale qofka qaxootiga ah waxaa la waydiinayaa in uu xiriir la leeyahay urur Islaami ah ama xisbi siyaasadeed.

Qofka megengelyo doonka ah waxaa kaloo la su'aalaa in uu ku dhaqmo diintiisa iyo sida joogtada ah ee uu ugu dhaqmo. Aragtida qofka ee xuriyadda diinta iyo sinnaanta dumarka iyo ragga, qayb ayey ka ahaayeen su'alaha.

Afhayeen u hadlay laanta arrimaha bulshada ee federaalka, Ralph Goodale, ayaa sheegay in "isla markiiba ay ka walaaceen warqadaha" ka dib markii ay ogaadeen arrinta, ayna la xiriireen ciidamada xuduudda si loo joojiyo.

Su'aalaha noocaas ah waxaa lagu adeegsanayay xuduudda Quebec oo keli ah. Jawaabaha ay bixiyaan dadka waxaa lagu keydiyaa faylashada booliska qaran.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan