Zuma "waa in lagu qaado dacwad musuqmaasuq"

Jacob Zuma Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jacob Zuma ayaa markasta beeniyo eedaha la xiriirinayo heshiiska hubka ee dowladda

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma "waa in lagu qaado dacwado la xiriira musuqmaasuq, laaluush, daacad la'aan, iyo isdabamarin lacageed," sida ay sheegtay maxkamadda racfaanka ee dalkaas.

Waxay go'aanka ku raacday maxkamad kale oo sanadkii tagay xukuntay in madaxweyne Zuma lagu qaadi karo dawado la xiriirta 783 dembi oo ah heshiiskii hubka ee 1999-kii.

Eedaha waxaa dhinac loo dhigay sideed sano ka hor, taas oo Zuma u fududeysay in uu madaxweyne noqdo.

Madaxweynaha ayaa markasta ku doodaya in uu saliim ka yahay waxa lagu eedeynayo.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne Zuma wuxuu ku sheegay "in uu ka niyad jabay" go'aanka maxkamadda, balse uu filayay arrintaa.

Laanta dacwad oogidda Koonfur Afrika ee NPA ayaa hadda sugeysa in kooxda difaaca madxweynaha ay gudbiyaan jawaabta laga rabo ka hor inteysan go'aansan in maxkamad ay aadaan.



Arrinta waxay ku xiran tahay ganacsade Shabir Shaik oo 2005-tii lagu helay dembi ah in uu laaluushay shirkad hubka iibso oo laga leeyahay Faransiiska "si Jacob Zuma uu uga faa'ido".

Mr Zuma iyo saraakiisha kale ee dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay laaluush ku heleen iibsiga diyaarado dagaal, doomo iyo hub.

Markii ugu horeysay ee dacwadda laga gudbiyay Zuma waxay ahayd 2005-tii, balse waaxda dacwad oogidda ayaa joojisay 2009-kii.

Sanadkii tagay, Maxkamadda sare ee Pretoria ayaa go'aamisay in mucaaradka ay gudbin karaan dacwad ka dhan ah Jacob Zuma.

Mr Zuma ayaa racfaan qaaday oo u dacwooday maxkamadda ugu sareysa ee dalka si kiiska loo joojiyo. Balse maanta ayay maxkamaddu taageertay go'aankii hore.

Xilka madaxweyne Zuma wuxuu ku egyahay 2019-ka, mana u tartami karo markale sida uu qabo dastuurka dalkaasi Koonfur Afrika. Laba goor oo isku xigta ayuu noqday madaxweynaha dalka Koonfur Afrika.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan