Biyo gelinta Tog Wajaale
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo gelinta Tog Wajaale

Madaxweyna somaliland axmed siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray biyo gelin loo sameeyay magaalada tog-wajaale , taasoo noqoneysa markii ugu horeysay ee wajaale hesho biyo nadiif ah oo qasabad ah.

Wajaale oo ay ku noolyihiin qiyaastii 35 kun oo qof waxaa biyaha looga soo qaaday ceelal riigag ah oo laga qoday deeganka BOTOR oo 24km u jira dhanka woqooyi wajaale .

hawsha mashruucan biyaha wajaale wuxuu soo socday muddo saddex sano ah , waxaana ku baxay lacag dhan 4 million oo dollaar oo saddex million oo dollar uu bixiyay midawga reer yurub , iyadoo halka million ee kale ay bixisay dawladda somaliland .

Haddaba weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele ayaa arrinatasi ka waresyaty isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Gabilay ee Somaliland Xasan Maxamuud cumar.