Shacabka Venezuela oo u dareeraya goobaha codeynta

Madaxwayne Maduro Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxwayne Maduro

Dadka reer Venezuela ayaa u dareeraya goobaha codbixinta.

Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Venazuela ay ka dhaceen dalkaasi.

Dadka dalkaasi ayaa soo dooranaya Barasaabyada 23 gobol oo dalkaasi ka tirsan.

Muucaaradka dalkaasi ayaa saluugsanaa qaabka ay wax u waday dowladda dalkaasi iyo wax ay ku tilmamaeen kali talisnimo.

Dowladda Venazuela waxa ay sheegtay in doorashadani ay muujineyso in wali dimoqraadiyad ay ka jirto dalkaasi.

Mucaaradka dalkaasi ayaa ogolaaday inay ka qeyb qataan doorashadani, taasi oo qeyb ka aheyd cadaadiskii la saaray madaxweyne Maduro.

Waxaa la sadaalinayaa in xisbigiisa uu ku guleysan doonaan inta badan kuraasta Barasabyada.

Balse waxaa jira caqabado dhowr ah oo hortaagan doorashada,iyada oo jahwareer uu ka jiro codbixinta.

Waxaa isbadal lagu sameeyay inta badan goobohii loo asteeyay inay codbixinta ka dhacdo.

Shacabka dalkaasi ayaa la sheegay in aysan ku kalsooneyn in dowladda ay daacad ka noqoto arrimaha doorashada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in haddi mucaaradka ay ku guuleystaan doorashada ay caqabado hor leh kala kulmi doonaan xisbiga madaxweyne Maduro.

Cabsida ugu weyn ee laga qabo doorashadani ayaa ah in ay ka dhashaan rabshado cusub oo la mid ah kuwii horay uga dhacay dalkaasi.

Dibadbaxyo rabshado wata oo dalka Venezuela ka dhacay horraantii sanadkan ayaa waxa ku dhintay 125 qof waxaana la xiray kumannaan qof.