Wadahadalka Kuuriyada Waqooyi wuu socon hadduusan dagaal billaabanin

Ciidammada Kuuriyada Koonfureed ayaa dhoola tus ku sameynaya xadka Waqooyiga agtiisa Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidammada Kuuriyada Koonfureed ayaa dhoola tus ku sameynaya xadka Waqooyiga agtiisa

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa ku adkaystay in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in uu dublamaasiyad ku xalliyo ismariwaaga Kuuriyada Wqooyi.

Dublamaasiyaddu way sii socon doontaa inta "uu bamka u horreeya ka qarxayo", sida uu u sheegay telefishinka CNN.

Wuxuu sheegay in cunaqabataynta iyo dublamaasiyaddu ay horseedeen midnimo caalami ah oo ka dhan ah nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.

Bishii hore ayuu Trump u sheegay Tillerson in uusan wakhti isaga luminin wadahadallo uu la yeesho Kim Jong-un.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rex Tillerson wuxuu sheegay in Trump uu rabo in arrintan lagu xalliyo dublamasiyad

Hadalka Tillerson ayaa ku soo aadaya iyadoo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay billaabeen dhoolatuskoodii milatari ee ugu dambeeyay ee ay ka sameeyaan biyaha ku xeeran gacanka Kuuriya, kuwaas oo ay ka qaybqaadanayaan diyaaradaha dagaalka, kuwa wax burburiya iyo kuwo diyaaradaha xambaara.