Laba ka mid ah qabanqaabiyayaashii aftidii Catalonia oo xabsiga lagu sii hayn doono

Jordi Cuixart (Bidix) iyo Jordi Sánchez Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jordi Cuixart (Bidix) iyo Jordi Sánchez

Garsoore u dhashay dalka Spain ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo xubnihii muhimka u ahaa dhaqdhaqaaqii madaxbanaanida gobolka Catalonia.

Jordi Sánchez, oo hogaamiya baarlamaanka Catalonia iyo Jordi Cuixart, ayaa xabsiga lagu hayay iyada oo ay ku socdeen baaritaano la xiriira in ay shacabka kicinayeen.

Labadani nin ayaa loo arkaa in ay ahaayeen shaqsiyaadkii hogaaminayay qabanqaabada aftidii gobolka Catalonia ka dhacday 1 bishan October.

Xukuumadda Madrid ayaa ku tilmaamtay aftida mid sharci daro ah.

Saacado ka hor inta garsooraha maxkamada sare, Carmen Lamela uusan amrin in labadan nin xabsiga lagu sii hayo ayaa waxa ay maxkamada siideysay madaxii booliiska gobolka Catalonia', Josep Lluis Trapero.

Dacwad oogayaasha ayaa ka soo horjeeday in la siidayo oo waxa ay doonayeen in Josep Lluis Trapero xabsiga lagu sii hayo.