Maxkamad hor istaagtay xayiraadda socdaalka ee Trump

Dalalka ay mamnuucida saamaynayso ayaa u badan kuwa Muslimin ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dalalka ay mamnuucida saamaynayso ayaa u badan kuwa Muslimin ah

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa horistaagtay dhaqangalinta xanibaadihi uu madaxwayne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal in ay dalka Mareykanka soo galaan.

Garsoore maxkamada heer fedaraal ayaa soo saaray amar si kumeel gaar ah loogu xadidayo dhaqangalinta amarka madaxwayne Trump.

Amarka madaxwayne Trump ayaa waxa lala bartilmaameedsaday muwaadiniinta dalalka Iiran, Liibiya, Suuriya, Yaman, Somaliya, Chad iyo Kuuriyada Waqooyi.

Xannibaada ayaa waxaa sidoo kale lagu soo rogay qaar ka mid ah saraakiisha dalka Venezuelan.

Garsooraha maxkamada fedaraalka ee gobolka Hawaii ayaa sheegay in mamnuucida lagu soo rogay muwaadiniinta 8 dal ay tahay mid jabinaysa shuruucda socdaalka .

Garsooraha aya sidoo kale ku dooday in aan la caddayn in muwaadiniinta 8 dal ay khatar ku yihiin danaha Mareykanka.

Balanqaadyadii madaxwayne Trump ayay ka mid ahayd xiligii lagu jiray ololihii doorashada in uu Mareykanka ka mamnuuci doono qaar ka mid ah muwaadiniinta dalalka Muslimiinta.