Weerar ka dhacay dalka Afqanistaan oo ay rayid iyo askar ku dhinteen

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa u badan Askar Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa u badan Askar

Qarax iyo weerar hubaysan oo ka dhacay dalka Afqaanistaan ayaa waxa ku dhintay askar ka tirsan booliiska iyo dad rayid ah .

Rag hubaysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen xarun lagu tababaro Booliiska oo ku taalla magaaladda Gardez,halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 41 qof.

Qaraxan ismiidaaminta iyo weerarka hubaysan ee lagu qaaday xaruntan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 110 qof oo rayid ah iyo 48 booliis ah.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Afqaanistaan ayaa sheegtay in dadka dhintay uu ka mid ahaa madaxii booliisa degaanka uu qaraxa ka dhacay.

Kooxda Dalibaan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday xarunta lagu tababaro booliiksa ee magaaladda Gardez .

Qasaaraha ugu badan ee weerarkan ayaa waxa uu soo gaaray ciidamada ammaanka.

Qasaaraha tirada ku waxyeelooday weeraka ayaa laga cabsi qabaa in ay korodho.