Nidaam cusub oo dadka lagu barayo astaamaha dhimirka maskaxda oo Hargaysa laga billaabay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nidaam cusub oo dadka lagu barayo astaamaha dhimirka maskaxda oo Hargaysa laga billaabay

Qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ee magaalada Hargeysa ayaa bilaabay barnaamij cusub oo ay ugu magac dareen gargaarka degdega ah ee caafimaadka maskaxda.

Barnaamijkan oo uu soo hindisay Dr Ibrahim Cismaan Ciye, ayuu ku sheegay inuu uga gol-leeyahay in bulshada ay ku barato astaamaha lagu garto xanuunnada dhimirka ku dhaca, si gacan loo siiyo dhibanayaasha inta laga gaarayo daaweyn iyo daryeel ku haboon.

Dr Ibraahim ayaa sidoo kale qoray buug uu ugu magac daray "Maskax caafimaad qabtaa bulsho caafimaad qabta abuurta".

Haddaba Dr Ibraahim Cismaan Ciye waxaa la kulmay oo wareystay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.