Bukaanno "nasasho u baahan badalkii dawo looga qori lahaa"

Antibiyootik la liqi rabo Lahaanshaha sawirka Getty Images

Bukaanno badan ayaa u baahan in loo sheego in ay gurigooda ku laabtaan oo ay nastaan badalkii antibiyootik la siin lahaa, sida ay sheegeen khubaro caafimaad.

Waaxda Caafimaadka Dadwaynaha ee England ee magaceeda loo soo gaabiyo (PHE) ayaa sheegtay in illaa boqolkiiba shan dadka loo qoro antibiyootigga aysan daruuri ahayn maadaama dadku ay xannuuno badan ka ladnaadaan iyagoo aan wax dawo ah qaadanin.

Dawooyinka oo aad loo isticmaalo ayaa keenaya in ay adkaato dawaynta caabuqyada qaar, maadaama ay adkaysi u yeelanayaan dawada.

PHE ayaa sheegtay in bukaannada ay kaalin ku yeelan karaan joojinta caabuqyada sare u sii kacaya.

Waa la qiyaasay in 5000 oo ruux ay England ugu dhintaan caabuqyo iska difaaca ama adkaysi u leh dawooyinka sannad walba la isticmaalo.

Meesha lagu gaaro 2050 caabuqyada adkaysiga u leh dawooyinka ayaa la filayaa in ay dunida oo dhan ku dilaan dad ka badan kuwa hadda u dhinta xannuunka kansarka.