Qalalaasaha doorashada Kenya oo laga digay

Supporters of Kenya"s opposition National Super Alliance (NASA) coalition hold a banner during a political rally in Kisumu, western Kenya, on October 20, 2017. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka wuxuu ku dooday in dalabkoodii ahaa in la qabto doorasho xor ah aan dhag jalaq loo siinin.

Taageerayaasha xisbiga mucaaradka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta dib u billaabaan muddaaharaadyadii ay ku diidanaayeen doorashada. Beesha caalamka ayaa ka digtay in xiisadaha taagan ay horseedi karaan rabshado.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka ee dalka Kenya ayaa ka digay xiisada sii kordhaysa ee taagan ka hor doorashada Khamiista ka dhaceysa dalkaasi.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka. isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

'Rabshadaha taagan iyo weerarada lagu hayo gudiga doorashooyinka ayaa xaalka sii xumaynaya kana dhigaya mid adag in la qabto doorasho xaq iyo xalaal ah' ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen diblomaasiyiinta.

Dacwad oogayaasha maxkamada Kenya ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay gabadh la dhalatay hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo lagu eedaynayo in rabshado abuurtay

Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay ka horyimaadaan doorashada la qorshaynayo maalinta Khamiista ah lana dhigo banaanbaxyo.

Raila Odinga waxuu ku baaqaya ain isabadal la sameeyo doorashada ka hor.

Ilaa dad gaaraya 70 qof ayaa ku dhintay tan iyo intii ay dhacday doorashadii la qabtay 8-da Augast ee lagu murmay.

Balse doorashadaasi dhacday waxaa tuurtay maxkamada saree e dalka oo ku tilmaamtay mid si khalad ah u dhacday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ruth Odinga waxaa lagu eedeeyay inay hanti burburisay

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa ku adkeystay in doorashada la qabtaa wakhtigii loo asteeyay.

Waxaa jira warar sheegaya in ciidammo dheeraad ah loo diray glbeedka Kenya gaar ahaan deegaannada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha mucaaradka.

Deegaanadaasi waxaa ka dhacay rabshado isbuucyadii la soo dhaafay

Lahaanshaha sawirka EPA

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay 'qeyb ka noqoshada' doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho 'macquul ah' la qabto.

''Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka'', ayuu yiri Wafula Chebukati.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kenyatta ayaa ku jira olole doorasho inkastoo musharrixii la tartamayay uu ka haray doorashada

Sida ay amartay maxkamadda ugu saraysa dalka ee laashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhacday August, guddiga waa inuu doorasho cusub qabtaa ka hor 1-da bisha Nofeember.

Haddii xilligaasi lagu qaban waaya, Kenya waxay galaysaa xasarad dhanka dastuurka ah. Ma cadda sida xal loogu heli karo dhibaatadaasi.

Garabka madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa doonaya inay doorasho dhacdo, si kastaba halagu qabtee.

Xubnaha baarlamaanka ayaa meelmariyay isbedel lagu samaynayo sharciga doorashada, kaasoo si toos ah guusha ugu wareejinaya musharraxa ku soo hara tartanka, haddii kan la tartamaya uu ka haro doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah.