Askar ka tirsan militariga Nigeria oo lagu dilay weerar ka dhacay dalkasi

Ciidamada Nigeria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Nigeria

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in 15 ka tirsan militariga Nigeria oo ay ku jiraan saraakiil sarsare la dilay ka dib markii weerar lagu qaaday saldhig militari oo ku yaalla Yobe.

Militariga Naajeeriya ayaa dhankooda xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay islamarkana uu jiro khasaara labada dhinac ah .

Dhacdadan ayaa u muuqata in ay tahay weerarkii ugu ba'naa ee lagu qaado militariga Nigeria waqooyi bari dalkaasi muddo ka badan saddex bilood.

Ila wareedyo laga helayo militariga Nigeria ayaa muujinaya in 15 askari la dilay ka dib markii la helay maydadka 7 askari Jimcihii.

Qaar kale oo ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa la la'yahay ilaa iyo imika meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday militariga Naajeeriya.

Waa markii ugu horreysay oo kooxdani ay sheegtaan masuuliyada weerar ka dhacay Nigeria.

Horrey waxaa weerarada lagu qaado ciidamada ammaanka Nigeria u sheegan jirtay kooxda Boko Haram oo gacan saar la leh kooxda IS.