Halkan ka ogow sideed arrimood oo ku saabsan hurdada

Haweeney jiifta Lahaanshaha sawirka Getty Images

Maxaan ka ognahay saacadaha aan hurudno iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena?

1. Waxaa naloo sheegaa in sideed saacadood aan hurudno habeenkii

Waxaan aalaaba maqalnaa in loo baahan yahay hurdo sideed saacadood ah, habeen kasta. Haddaba halkey taladan ka timid?

Cilmi baaris laga sameeyay daafaha caalamka, oo lagu baarayay sida cudurrada ay ugu dhacaan dadka kala duwan, ayaa la timid gebagebo la mid ah hurdada sideeda saacadood ah.

Dadka wakhtiga yar hurda iyo kuwa hurdada ku daaha waxay u badan tahay in ay cudurro ku dhacaan.

laakiin ma cadda in hurdada ay tahay waxa sababa cudurada ama calaamad u tahay sababta xanuunka iyo nolol aan caafimaad lahayn.

Dadka hurdada yar waxaa lagu tilmaamay kuwa hurda in ka yar lix saacadood, halka kuwa hurdada badanna la sheegay in ay hurdaan in ka badan sagaal ama 10 saacadood, habeenkiiba.

caruurta waxaa laga doonayaa in ay hurdaan 11 saacadood habeenkii, maalinta oo dhanna 18 saacadood. Kuwa toban jirada ah waxaa laga doonayaa in ay hurdaa illaa 10 saacadood habeenkii.

Shane O'Mara, oo ku takhasusay cudurada maskaxda ayaa sheegay in ay adag tahay in la sheego in hurdo la'aantaa ay sababto ama calaamad u tahay caafimaad daro, balse ay jiraan xiriirro ka dhexeeya.

Tusaale ahaan, dadka aan aad u jimicsan waa kuwa faya qabkoodu yaryahay, taas ayaana sababto hurdo xumo, daal badan, iyo wixii la mid ah.

Waxaan ogaanay in hurda la'aanta xun - ee ah hurdada ka yar saacad ama laba saacadood oo muddo sidaa ku socota- waxaa lala xiriiriyay caafimaad darro. Ma ahan in aad afar maalmood ahaato hurdo la'aan oo natiijo xumo aad kala kulanto.

2. Maxaa jirkaaga ku dhacaya haddii aadan si fiican u hurdin?

Hurdo xumada waxaa lala xiriiriyay cudurro badan oo maskaxda ku dhaca.

Baaritaan lagu sameeyay 153 ardey oo ka mid ahaa shan milyan oo qof oo ka qeybgalay cilmi baarista, waxaa laga helay in hurdo yarida ay si aan caadi ahayn xiriiir ula wadaagto cudurka sokorowga ama macaanka, dhiig karka, wadna xanuunka, iyo cayilka.

Daraasad ayaa muujineysa in dadka hurdi waaya dhowr habeen oo isku xigta ay isku arki karaan calaamadaha cudurka macaanka.

Hurdo yarida ba'an ayaa waxyeeleyso awoodda jirka uu isaga difaaco heerarka sokorto.

Cilmi baaris kale ayaa muujisay sida dadka hurda inkayar todobo saacadood ay u nugul yihiin qabowga, marka loo eego kuwa hurdo illaa sideed saacadood iyo in ka badan.

Sidoo kale hurdo yaraanta waxay dhibaateysaa shaqada maskaxda taas oo sababi karta asaasaq.

3. Waxaan u baahannahay hurdo kala duwan

Marka aan hurudno waxaan marnaa marxalado kala duwan, marxalad kastaa waxay ku dhammaataa 60 ilbiriqsi illaa 100 daqiiqo.

Marxalad kastaa waxay leedahay door u gaar ah oo la xiriira jirkeena inta aan hurudno.

Marxaladda koobaad waa lulmo, waa marxalad soo jeed iyo hurdo, tartiib u neefsasho, jirkana uu nasto, wadna garaacana uu yaraado.

Marxaladda labaad waa hurdo khafiif ah - waxaad dareemi kartaa in aad soo jeedo, mararka qaarna wax ma dareemi kartid.

Marxaladda seddaxaad waa hurdo qoto dheer. Way adagtahay in aad si fudud uga toosto hurdadan, sababtoo ah waa xilliga jirkaada uu sameynayo dhaqdhaqaaqa ugu yar.

4. Dadka xilliyada kala duwan shaqeeya ee hurdada yar aalaaba way xanuunsadaan

Dadka xilliyada kala duwan shaqeeya waxaa la sheegaa inay u nugul yihiin cudurro kala duwan. Cilmi baarayaasha waxay ogaadeen in dadkan ay halis ugu jiraan cudurrada macaanka iyo cayilka.

Farqi wayn ayaa u dhexeeya dadka sida caadiga ah u shaqeeya iyo kuwa ay is bedbedesho shaqadooda.

Hurdo la'aanta waa sababto saameynta ugu wayn ku yeelata dadka shaqada culus qabta.

5. Badankeena waxaan dareemeynaa hurdo yaraan

Sida beryahan muuqata, dadka waxay qarka u saaran yihiin in aysan hurdinba. Waxaa sii yaraanaya celcelis ahaan saacdaha dadku ay hurdaan.

Baaritaan lagu sameeyay 15 dal waxaa lagu ogaaday marxalado kala duwan. Lix waxaa ka muuqatay hurdo yaraan, todobo hurdo badni, laba dalka natiijo isku dhafan.

Cadeymo badan ayaa muujinaya in saacadaha aan hurudno aysan wax badan iska bedelin jiilalkii ugu dambeeyay.

Laakiin haddii aad waydiiso in hurdada ay ku yartahay, waxyaabo kala duwan ayaa kuu soo baxaya.

Hadaba, maxay dad badan u sheegtaan daal?

Dhibaatada hurdada waxaa lala xiriiriyaa da'da iyo jinsiga, sida lagu xusay cilmi baaris lagu sameeyay 2,000 oo qof. Waxaa la helay in dumarka da'dooda kala duwan tahay ay aad ugu adag tahay in ay hurdo ku filan helaan, marka la barbardhigo ragga.

Xilliga ay hurdo la'aanta ku dhacdo dumarka waxay billaabataa marka ay carruur dhalaan, marka shaqada ku badan tahay iyo marka la duqoobo.

6. Telefoonada oo dhallinta ku qasba soo jeed

Khubarada hurdada waxay sheegeen in dhallinyarada da'dooda u dhexeyso 10 illaa 20 sano ay u baahan yihiin 10 saacadood oo hurdo ah, laakiin kala bar ka mid ah ma helaan hurdo intaa la eg, sida ay xustay hay'adda caafimaadka UK ee NHS.

Sariirta waxaa loogu talagalay nasasho, laakiin waxaa lla koraa waxyaabo faragelin ku yeesha hurdada sida laptop-yada, iyo telefoonada.

Iftiinka buluuga ah ee qalabka elektoroonigga ayaa na dareensiiya hurdo yaraan. Howsha ah la hadalka asxaabta iyo daawashada TV-ga waxay kiciyaan maskaxdeena, xilli loo baahnaa in ay nasiino gasho.

7. Baaritaanka hurdo xumada oo sare u kacaya

Dad badan ayaa dhaqaatiirta u tagaya kuwaas oo ka cabanaya dhibaatooyiinka hurdo la'aanta.

Sida lagu xusay akhbaar la uruuriyay oo BBC-da ay heshay ayaa lagu ogaaday in tirada dadka ka cabanaya hurda la'aanta ay sare u sii keceysay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa jiro sababo badan, balse midda ugu daran waa cayilka, sida uu sheegay Dr Dr Guy Leschziner, oo maskaxda ku taqsusay.

Dadka qaar waxay garab ka heleen warbaahinta, sababtoo ah wixii ay isku arkaan ayey ka baaraan google si ay u ogaadaan calaamadaha, ayuu yiri dhaqtarka.

8. Dalalka qaar iyo sida dadkooda u seexdaan

Cilmi baarid ayaa lagu eegay sida ay u hurdaan shacabka 20 dal oo ka mid ah kuwa warshadaha ku hormaray.

Waxaa la ogaaday in dadka qaar saacad ka yar hurdaan ka dibna toosaan, laakiin isku celcelin ahaan, inta badan dadka hurdo wanaagsan ayey helaan. Haddii qofka uu seexdo xilli dambe oo habeenka ah, wuu ku daahaa hurdada.

Waxaa baaritaan lagu ogaaday in saacadaha shaqada, xilliga iskuulka iyo xilliga nasashada ay door wayn ku leeyihiin marxaladaha hurdada.

Cilmi baaris lagu sameeyay seddax qowmiyadood oo aan helin koronto, kuna kala nool Tanzaniya, Namibiya iyo Boliviya, waxay helaan hurdo ku dhow illaa sideed saacadood, marka la barbardhiggo dalalka horumaray ee korontada haystay 24-saacadood.

Waxaa baaritaanno badan lagu ogaaday in iftiinka nalalka ay saameyn ku leeyihiin hurdada oo daahda iyo hurdo yaraanta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan