Kalkaaliso 500,000 oo doolar lagaga xaalmariyay xirid

Nurse Alex Wubbels is shown during an incident at University of Utah Hospital in Salt Lake City, Utah, U.S., in this still photo taken from police body-worn camera video taken July 26, 2017 Lahaanshaha sawirka Reuters

Kalkaaliso Maraykan ah oo loo xiray in ay booliiska u diiday in ay dhiig ka qaadaan bukaan miyir daboolan ayaa aqbashay 500,000 oo doolar oo magdhaw loo siiyay.

Alex Wubbels ayaa aqbashay heshiiskan lacageed ee dhexmaray Salt Lake City iyo jaamacadda University of Utah, sida uu qareenkeedu sheegay.

Xiritaankii ay booliisku u gaysteen bishii Luulyo ayaa dhaliyay caro, ka dib markii gadaal laga baahiyay muuqaal laga duubay xiritaankeeda, waxaa muuqaalka lagu arkay iyada oo gacmaha ka xiran oo gaari booliis la sii galinayo.

Xoogaa ka dib ayaa la siidaayay iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Askarigii xiray ayaa la eryay bishii hore.

Qofkii madaxda u ahaana darajada ayaa laga dhimay.

Askari Jeff Payne ayaa loo diray jaamacadda University of Utah Hospital 26kii bishii Luulyo si uu dhiig uga soo qaado nin darawal ka ahaa gaari xammuul ah oo miyir daboolan, madaxana dhaawac ka qaba ka dib markii ay isku dhaceen gaari kale oo laga shakisan yahay oo booliis ka cararaya.

Bukaanka loogama shakisnayn wax dambi ah.

Wubbels oo maalintaa shaqada ku jirtay ayaa sheegay in askari uusan wadanin waraaq ruqsad ah oo uu dhiig kaga qaadi karo bukaanka, sida uu sharciga faderaalka iyo kan gobolkuba dhigayo.

Lahaanshaha sawirka SALT LAKE CITY POLICE
Image caption Jeff Payne oo bidix jira shaqada ayaa laga eryay James Tracy oo masuul u ahaana labo darajo ayaa hoos loo dalacsiiyay

Sidoo kale waxay sheegtay in aysan ahayn in dhiig laga shubo bukaan isaga oo aan ogolaansho laga haysanin.

Wubbels ayaa diiday in ay askariga u sheegto meesha uu bukaanku yaaallo iyo in uu dhiig ka qaato toona.

Xataa waxay ugu yeertay masuulkii iyada ka sareeyay si askariga loogu qanciyo in kalkaalisadu ay raacayso shuruucdii isbitaalka u yaallay.