Ganacsiga casriga ah ee iibka internetka oo Soomaaliya kusoo kordhay

Lahaanshaha sawirka INNOVATE VENTURES
Image caption Saddexda asaase ee shirkadda iibka internerka ee Muraadso

Siciid Maxamed oo ah hal abuure ganacsi oo da'yar ayaa Soomaaliya kusoo kordhiyay ganacsiga qadka internetka oo badeecooyinka laga dalbado.

Waxa uu leeyahay shirkad lagu magacaabo Muraadso, taas oo uu bilaabay sanadkii 2015-kii isaga oo markaas ka qeybgalayay tartan lagu dhiirogalinayo hal abuurka ganacsi.

Markii koowaad si daran ayuu ugu guuldaraystay in fikradiisa ganacsi ay shaqayso, balse halkaas kuma uusan niyad jabin, wuxuuna waxyar ka badalay qorshihiisa.

Waxa uu la yimid fikrad kale oo ah in uu sameeyo sida ay sameeyaan shirkadaha waaweyn ee reer galbeedka, taasoo ah in ay furaan dukaamo rasmi ah oo dadka toos wax uga iibsan karaan, sidoo kalane ay ku barbar wadaan iibka internetka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shirka ganacsiga ee Afrika iyo Turkiga oo soo idlaaday

"Qaabka isku barbar wadista labada hab waa kan ugu wanaagsan, Amazon hadda waxa ay furtay dukaamo rasmi ah, halka dukaamadii waaweynaa sida Walmart ay iyaguna bilaabeen in ay internetke wax ku iibiyaan" ayuu yiri Siciid.

Hadda macaamiisha waxa ay bilaabeen in marka ay badeecada ku arkaan dukaan, oo ay tijaabiyaan, in marka dambe ay qadka internetka ka dalbadaan, ganacsiga Siciidna waa mid bulaalaya hadda.

Lahaanshaha sawirka Image copyrightMURAADSO
Image caption Qof kalyanti ah oo badeeco iibsaday

Dadka waxa ay lacagta ku bixiyaan adeegga Zaad ee ka shaqeeya jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.

Hadda Muraadso waxa ay furatay dukaamo kala duwan magaalooyinka Somaliland, waxayna qaateen shaqaale ka badan kii hore.

Sida uu sheegay Mathew Reed oo ka tirsan shirkadda Ovum, ganacsiga iibka internerka waa mid kusoo kordhaya qaaradda Afrika, balse wali caqabado ayaa jira.

"Dad badan waxa ay ku noolyihiin nolol hoosaysa, iibka internetka waa adeeg dadka dabaqada dhexe ku habboon, sidaasi darteed caqabada haysata suuqan ma ahan mid Soomaaliya oo kaliya ku kooban" ayuu intaas ku daray Reed.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Da'yarta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya

Balse isticmaalka taleefoonka gacanta oo sii kordhaya awgiis ayaa muujinaya rajo weyn oo ah in suuqan uu sii kordhi doono sanooyinka soo socda. Marka la gaaro sanadka 2020-ka, dad gaaraya 725 malyuun oo qof oo Afrika ku nool ayaa taleefoonada gacanta isticmaali doona.

Soomaaliya waxaa intaas usii dheer qadka internetka ee dhagaatiyada badda hoosteeda lasoo mariyo oo la gaarsiiyay sanadkii 2013-kii, waxaana hawshaasi fulisay shirkadda Liquid Telecom. Dhagaatiyadan waxa ay maraan 11 dal oo Afrika ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amazon

Magaalooyinka oo sii kordhaya, laguna sii badanayo, iyo dadka oo dhalinyaro u badanaya ayaa ah sababo kale oo kor usii qaadaya adeegsiga suuqan iibka internetka ee afka qalaad loogu yaqaano (e commence).

Meelaha ugu badan ee Muraadso ay macaamiisheeda ku gaarto ayaa ah aaladda Facebook oo Soomaalida intooda badan ay isticmaalaan.

Dalalka Iibka Internetka ku horeeya Afrika waxaa ka mid ah Koonfur Afrika, Kenya iyo Nigeria, waxaana ka mid ah shirkadaha caanka ah Jumia oo u shaqeeysa sida shirkadda Amazon oo kale.

Cabdiqani Diiriye oo madax ka ah shirkadda Innovate Ventures oo Soomaaliya ka dhisan ayaa yiri "Shirkadda Jumia waxa ay garoowsadeen faraqa u dhaxeeya iyaga iyo Amazon, sida kaabayaasha dhaqaale ee Afrika ka jira iyo dhaqanka, sidaas darteed waxa ay hawsha u wajaheen si ka duwan Amazon".

Shirkadaha hadda qorsheynaya iibka internetka waxaa ka mid ah shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo sheegtay in sanadkan dhamaadkiisa ay bilaabayso suuq internetka ah oo wax kasta laga iibsan karo, mana ahan Kenya oo kaliya ee sidoo kale dalalka kale ee Afrika.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Ganacsi la qarxiyay oo oo Muqdisho ku yaala

Shirkadda Muraadso wali waa shirkad yar, bishii waxa ay kala rogtaa lacag dhan $40,000 doolar, waxayna durba leedahay shirkad kale oo tartan kula jirta oo lagu magacaabo Samionline.com. Diiriye wuxuu qiyaasayaa in shirkado kalana ay soo kordhaan.

"Faa'iidada dadka ugu jirta ayaa ah in aysan u baahnayn in ay waqti badan ku bixiyaan aadista suuqa, ama ay xitaa gaadiid raacaan, wax kasta gurigooda ayaa loogu keenayaa" ayuu yiri Cabdiqani Diiriye.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan