Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota

Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaan
Image caption Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaan

Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxweyne ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa billaabatay.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go'day ,sanadkii 1991, ayaa fileyso in doorashadan ay xoojiso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo. Dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin.

In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku taqasusay dhaqaalaha ayaa go'aansaday in uu xilka banneeyo ka dib markii hal xilli uu hayay.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Image caption Duqeyn iyo da'yar ayaa ka mid ahaa kuwa codeeyay

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Guddiga doorashada oo arrintaasi ku amray shirkadaha isgaarsiinta wuxuu sheegay in ay ka hortagayaan "wararka beenta ah".

Balse hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna sheegtay "war helidda in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah".

Sawirrada codeynta

Image caption Madaxweyne Siilaanyo oo codeynaya
Image caption Gabar codkeeda dhiibaneysa
Image caption Xarunta hay'adda shaqaalaha dowladda ee Hargeysa waxaa isugu tagay boqollaal qof
Image caption Nin codkiisa dhiibanaya
Image caption Nin ku jiray safka codeynta oo cimaamadiisa kaga harsanayay kuleylka qoraxda
Image caption Dumar ay ka dhex muuqato gabar sidata koob oo dooneysa in ay codeyso.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan