Askeri ka baxsaday Kuuriyada Waqooyi oo shan xabbadood lagu dhuftay

Askarta ayaa shan xabbadood ka saaray ninkaasi la toogtay, balse waxaa loo maleynayaa in laba kale ay ku jiraan weli. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Askarta ayaa shan xabbadood ka saaray ninkaasi la toogtay, balse waxaa loo maleynayaa in laba kale ay ku jiraan weli.

Nin u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo si dhuumaaleysi ah uga gudbay xadka sida adag loo ilaaliyo ayaa lagu dhuftay shan xabbadood, wuxuuna hadda ku sugan yahay xaalad halis ah, sida maamulka Kuuriyada Koonfureed uu sheegay.

Askeriga oo shalay goostay ayaa doonayay in uu u baxsado dhanka Kuuriyada Koonfureed ee ay joogaan ciidamada isku dhafka ah ee JSA.

Waxaa la geeyay cisbitaal ku dhow meesha uu ku dhaawacmay, balse xudduuda lug ayuu uga gudbay isagoo dhaawac ah, sida Kuuriyada Koonfureed ay baahisay.

Sida lagu xusay war ka soo baxay Seoul, ciidamada Kuuriyada Waqooyi waxay ninkaasi ku rideen illaa 40 xabbadood, balse wuu ka baxsaday, ka dib waxaa laga helay geed hoostiisa.

Qiyaastii 1,000 qof oo ka soo jeeda dhanka Waqooyiga ayaa Koonfurta u baxsada sanad kasta, balse way yartahay tirada soo marta xudduuda aadka loo ilaaliyo ee DMZ, taas oo ka mid ah xudduudaha ugu halista badan caalamka.

Waa arrin aan caadi ka ahayn dhanka Waqooyiga in xadka laga gudbo, balse dhanka Koonfurta waa meel soo jiidata indhaha dalxiisayaasha, waana meesha keli ah ee labada ciidan ay toos isu arkaan.

Labada Kuuriya weli waxaa u dhexeeya dagaal, balse dagaalka caadiga ah wuxuu dhammaaday 1953-dii ka dib xabad joojin, balse ma jiro heshiis nabadeed rasmi ah.

Shan xabbadood, balse way ka badan kartaa

Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta sharaxaad ka bixiyay xaaladda uu ku sugan yahay askeriga soo goostay.

"Illaa saaka, miyir ma lahayn, mana uusan neefsan karin, laakiin noloshiisa waala badbaadin karaa," waxaa sidaa sheegay sarkaal militariga ka tirsan oo lagu magacaabo Suh Uk.

Dhaqaatiirta ayaa shan xabbadood ka soo saaray jirkiisa, balse waxay u maleynayaan in laba xabbadood oo kale ay weli ku jiraan, sida uu sheegay sarkaalkaas.

Askeriga waxaa la arkay isagoo gaari ku baxsanaya, galabtii Isniinta, balse taayar ayaa ka baxay gaariga ka dib markii la rasaaseeyay, sida uu xusay taliyaha ciidamada isku dhafka ee Kuuriyada Koonfureed.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xadka qeybta ay joogaan JSA, waa meesha keli ah ee labada ciidan is arkaan.

"Ka dib wuu ka degay gaariga, wuxuuna u soo lugeeyay dhanka Koonfurta ayadoo askarta kale ee Kuuriyada Waqooyi ay rasaas ku soo ridayaan," ayuu yiri taliyaha ciidamada ay Qaramada Midoobey hoggaaminayso ee ku sugan xadka.

Askerigaasi soo goostay wuxuu ka dib ku dhuuntay dhisme ku yaalla dhanka Koonfurta, ciidamada ayaana helay isagoo yaalla geed hoostiisa, waxayna u qaadeen cisbitaal, sida militariga ay ku warrameen.

Wasiirka difaaca Kuuriyada Koonfureed, Song Young-moo wuxuu sheegay in markii ugu horeysay ay tahay in askeriga ku sugan dhanka Koonfurta ay toogtaan ciidamada Waqooyiga.

Qaar ka mid ah xildhibaanada waxay su'aal gelinayaan in haddii Kuuriyada waqooyi ay ku xad gudubtay heshiiska xabad joojinta ee ka dhexeeya labada dhinac, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan