Tirada dadkii ku dhintay duqeyntii Atareb oo 50 qof kor u dhaaftay

Suuq weyn oo la duqeeyay oo inka badan 50 ay ku dhinteen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Suuq weyn oo la duqeeyay oo inka badan 50 ay ku dhinteen

Goobaha Adeegyada caafimaadka ee Suuriya ayaa sheegay in tirada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay duqeymaha cirka ee ka dhacay magaalada waqooyi ee Atareb oo ay ku xoogan tahay falaagada Suuriya ay 50 qof kor u dhaaftay.

Diyaaradaha duqeymaha ayaa garaacay suuq weyn, waxaana muuqaal baraha bulshada lasoo dhigay muujinayay burbur ballaaran.

Haraagga dhismooyinka burburay ayaa yaalla dhulka waxaana la arkayay dadka shacabka ee naxsan oo dhaawacyada usii wadda isbitaalada.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in saddex goobood oo kala duwan diyaaraduhu bartilmaameedsadeen, inkastoo aysan cadeyn in duqeymahaasi ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Suuriya ama xulafadooda Ruushka.

Magaalada Atareb ayaa ah goob Ruushka iyo Iran oo taageero xukuumada Suuriya, iyo Turkiga oo baritaara falaagada ay horraantii sanadkaan isku afgarteen in askarta laga qaado