Doorashada 18 dal oo "loo dhacay" sanadkii tagay

Facebook and WhatsApp apps Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sheenaha wuxuu joojiyay baraha bulshada qaar sida WhatsApp-ka.

Doorashooyiinka 18 dal ayaa la farageliyay ayadoo la adeegsanayo warar qaldan oo ah olole internet-ka lagu sameeyay, sida lagu sheegay warbixin cusub oo la soo saaray.

Hay'ad la socota arrimahan oo lagu magacaabo Freedom House ayaa eegtay saameynta farriimaha internet-ka ay yeesheen kuwaas oo ay sameeyeen dowlado, iyo ra'yi aruurin lacag lagu qaatay oo la sameeyay.

Wadarta guud, 30 dal ayaa si joogto ah galaangal ugu yeeshay baraha bulshada si ay u xakameeyaan shacabka, ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay isticmaalayaasha barayaan sida lagu ogaado war been ah, waxayna shirkadaha teknolojiyadda ku amraan in ay ilaalo ka noqdaan shabakadohooda si looga hortago ku dhex dhuumashada, ayaa lagu xusay warbixinta.

Saameynta xun

Khubarada soo saaray warbixinta sanadlaha ah waxay cilmi baarid ku sameeyeen xuriyadda internet-ka ee 65 dal, kuwaas oo shacabkooda adeegsada internet-ka ay u dhigmaan 87 boqolkiiba.

Warbixinta oo todobo sano la soo saarayay waxaa lagu yiri "xuriyadda isticmaalka internet-ka hoos ayay u sii dhaceysaa ayadoo dowladaha ay xoojiyeen dadaalka ay ku xakameynayaan waxa muwaadiniintooda ay qoraan, ay sameeyaan ama ay wadaagaan".

Hababka lagu farageliyo xuriyadda internet-ka waxaa ka mid ah:

  • qalab si toos ah u sheegaya farriimaha rasmiga ah
  • dad lacag lagu siiyo in ay doodaha u leexiyaan aragtiyo lagu taageerayo dowlad
  • Baro warar been ah faafiya si dadka loo marin habaabiyo
  • qaabab lagu bedelo dhalleeceynta xilliga weerar shaqsiyadeed uu jiro

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay xuddun u yihiin farsamada xakameynta net-ka balse hadda ay noqotay "mid caalami ah".

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dalalka hadda arrintaa billaabay waxaa ka mid ah Turkiga, Philippines, Suuriya iyo Itoobiya, kuwaas oo shaqaale badan u qortay, sida ku qoran cilmi baaridda cusub.

Dadaal rasmi ah ayaa lagu xakameeyay doodo sida caadiga ah la qabto xilliyada doorashada, ayey tiri hay'adda Freedom House. Waxaa ka mid ah 18 dal oo arrinta ay saameysay sida lagu turxaan bixiyay warbixinta.

Xilliyadii hore arrimaha noocan ah waxay ku koobnaayeen dalalka gudahooda, balse hadda waxaa sare u kacaya dowlado raadinaya in baraha bulshada u adeegsadaan doodo ka baxsan xudduudahooda.

Si gaar ah warbixinta waxay sheegtay in Ruushka uu dadaal muhiim ah geliyay si uu u farageliyo doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

Sida ku qoran cilmi baaridda, in ka badan 25 boqolkiiba dadka adeegsada net-ka waxay ku nool yihiin dalal internet-ka u tixgeliyo meel xor ah taas oo micneheedu yahay:

  • Ma jirto caqabad ka dhalaneyso in aad internet hesho
  • Xakameyn kooban oo lagu sameeyo waxa la soo bandhigo ama la daawado
  • kor kala socoshada waa mid xaddidan
  • ma jirto dhibaato ay la kulmayaan dadka u hadla sida xorta ah ee furan

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan