Dooni ku degtay xeebaha Liibya oo ay dad ku dhinteen

Meydadka ayaa loo qaaday Liibiya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Meydadka ayaa loo qaaday Liibiya

Ugu yaraan 31 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Liibiya ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku qalibmatay badda shalay, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya.

Dadkani ayaa qeyb ka ahaa koox muhaajiriin ah oo gaaraya 200 oo qof oo doonayay in ay u tallaabaan dhanka Yurub.

Doonta ayaa ku degtay xeebta magaalada Garaabowli oo ah magaala xeebeed ku taalla meel 60 kiilomitir dhanka bari ka xigto caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Doonida sidday dadkani, kuna sii jeeday qaarada Yurub ayaa ka soo shareecatay xeebaha wadanka Libya , waxaana la sheegay in laba dooni oo kale ay badda ku jireen xiligaasi.

Ciidamadda ilaalada xeebaha ee Libya ayaa arkay meydadka dadka dhintay oo dul sabeynaya biyaha, waxaana dadka ku dhintay doontani la sheegay inay kamid ahaayeen caruur aad u da'yar.

Mukhalisiinta dalka Libya ayaa inta badan dadka ka buuxiya doomo aad u yar oo aan xamili karin safarrada dhaadheer iyo tirade dadka saaran oo aad u badan.

Ilaalada xeebaha dalka Liibya ayaa sidoo kale sheegay inay soo badbaadiyeen lixdan qof oo dul dhobnaa dooni dhex fariisatay badda, halka boqol iyo konton qof oo kalena laga soo helay markab kale.

Abu Ajala Abdelbari oo ah sarkaal ka tirsan ilalaada xeebaha Libya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen qiyaastii laba boqol oo qof.