Mareykanka oo dalbanaya in Pakistan ay dib u soo xirto Hafiz Saeed

Hafiz Saeed Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hafiz Saeed

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Pakistan in uu dhaawac soo gaari doono xiriirka laba geesoodka ah,haddii ay Pakistan ku guuldaraysto in ay maxkamadeyso nin mintid ah oo lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Mumbai.

Hafiz Saeed ayaa xabsi guri ku jiray magaalada Lahore tan iyo bishii January, balse toddobaadkan ayay maxkamad amartay in la siidayo.

Af-hayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka ,Sarah Sanders ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay gabbaad siinayso argagixisada .

Waxa ay ay intaa ku dartay in ay qasab tahay in ninkaasi lagu soo oogo dambiyadii uu galay.

Hafiz Saeed ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa weerarkii magaalada Mumbai ee Hindiya ka dhacay 2008.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 166 qof ,waxana Mr Saeed lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

Mareykanka ayaa waxa uu Mr Saeed madaxiisa dul dhigay 10 milyan oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara in la soo xiro iyo maxkamadeyntiisa.