Ahlu Sunna oo ka hadashay wadahadalka kala dhaxeeya Galmudug
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ahlu Sunna oo ka hadashay wadahadalka kala dhaxeeya maamul goboleedka Galmudug

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sugnaa wafdi ka socda maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe, waxaana ay halkaa u joogeen sidii loo xallin lahaa khilaafka maamulkaasi kala dhexeeya maamulka goboleedka Galmudug.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in dalka Jabuuri lagu saxiixo heshiis u dhaxeeya labadani dhinac oo uu gar-wadeen ka ahaa urur goboleedka IGAD.

Wafuudda Ahlu Sunna waxaa hoggaaminayay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, waxaana la kulmay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato oo ugu horreyntii weydiiyay ujeedada socdaalkiisa Nairobi.