Indonesia oo digniin ka soo saartay Foolkaanaha buurta Agung

4000 oo mitir ayuu samada u galay qiiq dambas wata oo buurta ka soo baxay
Image caption 4000 oo mitir ayuu samada u galay qiiq dambas wata oo buurta ka soo baxay

Dayaaradaha ayaa loo soo saaray "digniinta cas" ee la xiriirta khatarta dambas foolkaane ka soo baxay oo samada isku shareeray meel u dhow Bali, ka dib markii buurta Agung ay soo tuftay qiiq cirka ku shareeran 4000 oo mitir.

Waa markii labaad ee buurta ay sii deyso qiiq iyo dambas todobaad gudihiis, duullimaadyo ayaana wax laga beddelay jadwalkooda.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dambas ayaa waddooyinka ku soo daatay waqooyiga bari ee Bali

Maamulayaasha waxay bilaabeen inay dadka u qaybiyaan qalab wajiga la gashto oo dadka ka ilaalinaya in ay dambas neefsadaan.

Bali waa meel loo dalxiis tago, inkastoo meelaha xeebaha ee dalxiisayaashu tagaan ee Kuta iyo Seminyak ay Foolkaanaha u jiraan 70 KM.

Lahaanshaha sawirka ANTARA FOTO/WIRA SURYANTALA VIA REUTERS
Image caption Dad ku xayiran garoonka Ngurah Rai ee Bali

Madaarka ugu weyn jasiiradda ayaa si caadi ah u shaqaynaya, laakinse shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa joojiyey duullimaadyadii.

Dambaska ka soo baxa foolkaanayaasha ayaa dhaawac u gaysan kara matoorrada dayaaradaha.

Daruuraha dambaska ah waxaa la sheegay inay u socdaan jihada bari ee dhanka jasiiradda Lombok, garoonka dayaaradaha ee halkaa ku yaallana waa la xiray.